Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magacaabay ra’iisul wasaarihii labaad ee soo mara dalka Somalia muddo 14 bilood gudahood ah, kadib markii baarlamanka uu ceyriyey ra’iisul wasaare Saacid.
Madaxweyne Xasan ayaa jagadaas u magacaabay Cabdi Weli Sheekh Axmed, oo ah aqoonyahan rug caddaa ah, kaasi oo noqon doona ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, kadib marka uu ansixiyo baarlamanka Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa haddaba faah-faahin buuxda ka bixiyey sababtii keentay inuu xilkan u magacaabo Dr. Cabdi Weli.
Halkan hoose ka dhageyso madaxweynaha
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]