27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

AXMED MADOOBE oo sarkaal muhiim magaalada Kismaayo looga khaarajiyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose lagu toogtay  Korneel. Cabdi Madoobe oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee maamulka KMG ah ee Jubba.

Dad goobjoog ah ayaa noo sheegay in sarkaalka ay dileen kooxo ku hubeysan bastoolado kuwaasoo ku khaarajiyay marxuumka meel ku dhow gurigiisa.

Dilka kaddib waxaa magaalada ka dhacay howgallo, iyadoo caawa magaalada lagu soo rogay bandow sida ay lee yihiin dad noo warramaay oo didday in magacooda aan soo xigano.

Ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay dilka loo geestay Korneel Cabdi Madoobe oo horre u ahaa taliyihii ciidamada xoogga gobalka Jubbada Hoose.

Waa dilkii labaad oo muddo toddobaada ah ka dhaca magaalada Kismaayo kaasoo lagu beegsaday saraakiil muhiim ah oo ka tirsan maamulka Axmed Madoobe, waxaa seddax cisho ka hor magaalada lagu khaarijiyay madixii canshuuraha dekeddda Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News