Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaannada baarlamaanka ugu baaqay in ay si fudud codka kalsoonida u siiyaan ra’iisal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed oo shaley uu ku dhawaaqay.
“Iyadoo ay jiraan caqabdo fara badan haddana waxaan aad ugu kalsoonahay inuu Cabdiweli muddo gaaban ku sameyn doono isbedel dhanka dowlad wanaaga ah. Waxaana ka codsanayaa Baarlamaanka inay kalsooni siiyaan iyadoo loo eegayo danaha shacabka iyo dalka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh
Si kastaba, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in raysal wasaaraha cusub uu hortago mudanayaasha baarlamaanka si ay u siiyaan codka kalsoonida.
Dhinaca kale, xildhibanno badan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ratsal wasaaraha cusub uu heli doono codka kalsoonida maadama uu yahay qofka kaliye ee hadda ku haboon xilkaas.
Raysal wasaaraha cusub ayaa haddii uu helo codka kalsoonida waxaa laga doonayaa in uu soo dhiso xukuumad cusub taasoo aan la ogeyn tiradooda iyo tayadooda.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho