Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan gaar ah oo looga hadlayay Isbeddelka Cimillada, Sugnaanta Cuntada iyo Hindisayaasha Qorshaha Isbeddelka Qaranka, (NTP 2025-2029) ayaa maanta lagu qabtay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, waxaana ka qayb-galay qaar kamid ah golaha wasiirada iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha laga hadlayay ee muhiimka ah.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyay isbeddelka nidaamka cuntada ee dalkeenna iyo sidii loo hubin lahaa tayada cuntada dalka soo galaysa, si loo ilaaliyo badqabka dadka Soomaaliyeed,.
Sidoo kale waxaa kulan xoogga lagu saaray hirgelinta xalka waara ee saamaynta isbeddelka cimillada, loona samayn lahaa nidaamyo casri oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
Inta badan xubnaha kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay talooyin wax ku ool ah, iyada oo xukuumaddana ay ballan qaaday inay fulin doonto, si loo gaaro halka la hiigsanayo.
Dowladda Federaalka ayaa haatan wadda qorshe ballaaran oo la xiriira sidii loo sameyn lahaa isbeddel dhab ah, kaas oo daba socdda Qorshaha Isbeddelka Qaranka, (NTP 2025-2029).
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaaladdo adag, waxaana hadda taagan saameynta ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay caasimada, kuwaas oo saameyn xoogan ku yeeshay shacabka, waxaana sidoo kale burburay jidad muhiim ah.