27.3 C
Mogadishu
Sunday, May 18, 2025

Tirada dadka ku dhintay Muqdisho iyo R/W Xamsa oo deg deg guddi u magacaabay

-

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka jawaabaya xaaladda deg deg ah ee magaalada Muqdisho ay gashay, kadib saacado badan oo roobab mahiigaan ah ay ka da’ayeen.

Roobka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimashada ku dhowaad toban qof iyo burburka guryo iyo wadooyin muhiim  ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda Jibriil Cabdirashiid ayaa hoggaaminaya guddiga la magacaabay oo ka kooban heer wasiirro, maamulka gobol Banaadir iyo hey’adda SoDMA.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar oo ka warbixiyey khasaaraha uu geystay roobkii ka da’ay Muqdisho ayaa xaqiijiyey geerida toddoba qof oo ku dhimatay daadadkii ka dhashay roobka, burburka lix waddo oo laami ah iyo guryo dumay.

Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa maanta kormeer deg deg ah ku tagey qaar kamid ah goobihii ay saameynta ku yeesheen roobabkii mahiigaanka ahaa ee saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho.

Goobaha ay kormeerka ku tageen guddiga oo ay kamid yihiin, Iskool Buluusiya, waddada isku xirta garoonka Aadan Cadde iyo KM4 iyo waddooyinka uu burburka soo gaaray, ayaa waxa ay u kuurgaleen baaxadda burburka, si looga jawaabo khasaaraha ka dhashay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo kormeerka kadib ka warbixiyey xaaladda ayaa sheegay in roobabku ay geysteen khasaare kala duwan oo isugu jira naf iyo maal, isla markaana uu saameyn xooggan ku yeeshay ganacsiga iyo isku socodka magaalada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ayaa u mahadceliyey hey’addihii gurmadka fidinayey ilaa xalay. Waxa uuna intaas ku daray in Xukuumadda DanQaran oo ay kaalinteeda ka qaadan doonto maareynta khasaaraha uu sababay roobka.

 

- Advertisement -

Read more

Local News