Islamabad (Caasimada Online) – Dalalka hubka nukliyeerka leh ee Hindiya iyo Pakistan ayaa Sabtida maanta ah ku heshiiyay xabbad-joojin, kadib cadaadis iyo dhex-dhexaadin Mareykanka ka timid. Balse dhowr saacadood kadib, qaraxyo ayaa laga soo sheegay magaalooyinka waaweyn ee Kashmir ee Hindiya, halkaasoo afar maalmood dagaal culus uu ka socday.
Qaraxyo ayaa laga maqlay Srinagar iyo Jammu, iyadoo cirka sare laga arkayay gantaallo iyo iftiin, si la mid ah wixii dhacay habeenkii hore, sida ay sheegeen mas’uuliyiin, dad deegaanka ah iyo goobjoogayaal la hadlay Reuters.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Vikram Misri, ayaa ku eedeeyay Pakistan inay jebisay heshiiskii labada dal ay isla gaareen maalintaas.
“Waxaan ugu baaqeynaa Pakistan inay qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu xallinayo jebinta heshiiska, ayna la timaado masuuliyad iyo biseyl siyaasadeed,” ayuu Misri ku sheegay shir jaraa’id.
Wasiirka Warfaafinta Pakistan, Attaullah Tarar, ayaa u sheegay telefishinka Geo News: “Ilaa hadda wax xabbad-jebin ah oo dhacay lama diiwaan-gelin.”
Afhayeenka militariga Pakistan ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyadii faallo laga sugayay.
Dagaalkaas ayaa ahaa kii ugu xumaa ee dhex mara labada cadaw ee Koonfur Aasiya ku dhow 30 sano, iyada oo ay jireen cabsi xooggan oo laga qabay inuu isu beddelo dagaal buuxa oo ka dhaca mid ka mid ah gobollada ugu kacsan uguna dadka badan dunida.
Waxaa jiray cabsi kooban oo laga qabay adeegsiga hubka nukliyeerka, kadib markii militariga Pakistan ay sheegeen in guddiga sare ee kormeerka hubka nukliyeerka uu kulmi doono.
Si kastaba, Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan ayaa sheegay in aysan jirin wax kulan ah oo lagu qorsheeyay, saacado un kadib habeen uu dagaal culus dhacay, iyadoo labada dal ay isweydaarsadeen weerarro lagu beegsaday saldhigyada milatari, halka tirada dhimashada rayidka ay gaartay 66.
“Pakistan iyo Hindiya waxay isla gaareen heshiis xabbad-joojin ah oo si degdeg ah u dhaqan galay,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Ishaq Dar, ku qoray barta X. “Pakistan mar walba waxay u taagnayd nabadda iyo amniga gobolka, iyadoo aan marnaba uga tanaasulin madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed!”
Misri ayaa sheegay in taliyeyaasha hawlgallada militariga ee labada dal ay telefoon ku wada hadleen, isla markaana ay ku heshiiyeen in dhammaan dagaalka la joojiyo laga bilaabo 5 galabnimo waqtiga Hindiya (1130 GMT), in kastoo aanu si toos ah u adeegsan erayga “xabbad-joojin.”
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa X ku qoray: “Kadib habeen dheer oo wadahadallo uu Mareykanka dhex-dhexaadinayay, waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Hindiya iyo Pakistan ay ku heshiiyeen XABBAD-JOOJIN DHAMMEYSTIRAN IYO DEGDEG AH. Hambalyo labada dalba oo adeegsaday garasho iyo xikmad weyn!”
Xiriir militari iyo dhex-dhexaadin diblomaasiyeed
Dar ayaa u sheegay Geo News in la hawlgeliyay khadadka tooska ah ee militariga Hindiya iyo Pakistan, iyadoo sidoo kalena 36 dal ay kaalin ku yeesheen fududeynta heshiiska.
Arbacadii, Hindiya ayaa weerartay waxa ay ku sheegtay “kaabayaal argagixiso” oo ku yaalla Kashmir-ka Pakistan iyo gudaha Pakistan, laba toddobaad kadib markii 26 qof lagu dilay weerar lala beegsaday dalxiisayaal Hindu ah oo ku sugnaa Kashmir Hindiya.
Pakistan waxay si cad u diiday eedaynta Hindiya, iyada oo sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn weerarkaasi. Waxaa xigay maalmo is-weydaarsi rasaas, gantaallo iyo weerarro drone ah oo labada dhinac ah.
Inkasta oo xabbad-joojin la gaaray, ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Hindiya ayaa u sheegay Reuters in cunaqabateyntii uu Hindiya ku dhawaaqay iyo tallaabooyinkii Pakistan ay qaaday, sida hakinta ganacsiga iyo baajinta fiisayaasha, ay weli sii jirayaan.
Sidoo kale, ilo-wareedyadan ayaa sheegay in heshiiskii biyaha ee Indus 1960 — heshiis muhiim u ah wadaagga biyaha labada dal — uu sii ahaan doono hakad, kadib markii Hindiya hakisay kadib weerarkii Kashmir.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya kama jawaabin codsiyo faallo looga doonayay.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance ay 48 saacadood gudahood si toos ah ula xiriireen Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hindiya Subrahmanyam Jaishankar, Taliyaha Militariga Pakistan Asim Munir, iyo la-taliyeyaasha amniga qaranka ee labada dal.
Wada-hadallo meel dhex-dhexaad ah lagu qabanayo
Rubio ayaa bartiisa X ku bogaadiyay Modi iyo Sharif, isagoo sheegay in heshiiska lagu gaaray uu ka koobnaa xabbad-joojin degdeg ah iyo bilaabidda wadahadallo “ku saabsan arrimo ballaaran” oo lagu qaban doono meel dhexdhexaad ah.
Wararka ku saabsan xabbad-joojinta ayaa si weyn loogu diirsaday labada dhinac ee xuduudda, iyadoo hay’adda duulista rayidka ee Pakistan ay sheegtay in hawada dalka dib loo furay gebi ahaanba.
Si kastaba, jebinta xabbad-joojinta ee xigtay ayaa walaac ka dhalisay gudaha Hindiya.
“Ogow, maxaa ku dhacay xabbad-joojintii? Qaraxyo ayaa laga maqlayaa Srinagar oo dhan!!!”, ayuu bartiisa X ku qoray Omar Abdullah, madaxa maamulka Kashmir ee Hindiya. “Tani ma aha xabbad-joojin. Cutubka difaaca cirka ee Srinagar ayaa bilaabay rasaas culus.”
Hindiya iyo Pakistan waxay muddo dheer ku muransanaayeen gobolka Kashmir tan iyo markii ay xoriyad ka qaateen gumeystihii Ingiriiska 1947. Hindiya oo Hindu u badan iyo Pakistan oo Muslim u badan ayaa midba midka kale sheeganaya gobolka oo dhan.
Labada dal waxay u dagaalameen saddex jeer, labo jeerna waxa uu dagaalku ka qarxay muranka Kashmir, iyadoo sidoo kalena ay dhacayeen dagaallo yaryar oo isdaba joog ah.
Hindiya waxay Pakistan ku eedeysaa taageeridda kacdoonka hubeysan ee ka socda Kashmir-keeda tan iyo 1989, kaas oo sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, waxayna sidoo kale Pakistan ku eedeysaa in kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo jeeda Pakistan ay weerarro ka fuliyeen gudaha Hindiya.
Pakistan waxay beenisay eedeymahan, iyadoo sheegtay inay taageerto oo kaliya halganka siyaasadeed, anshaxeed iyo diblomaasiyadeed ee ay wadaan gooni-u-goosadayaasha Kashmir.