Aaxmed Madoobe iyo Lafta-gareen oo isku rogay Xasan – Maxaadan ogeyn oo dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo baxeysa inay ballanka uga baxeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku rogeen.

Saddexdan nin ayaa heshiis ka gaaray arrinta maalmahan dambe xiisadeeddu banaanka timid ee qorshaha dalka looga saarayo ciidamada Itoobiya, kaasi oo labadaasi maamul diidan yihiin in ciidankaas laga saaro dalka.

Shirkii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee ka qabsoomay Muqdisho ayaa waxay labada nin ee Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ku saxiixeen qorshaha bixista ciidanka Itoobiya, balse ay gadaal iskaga rogeen madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo weli si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysa arrintaan.

Balse diidmada labada hoggaamiye goboleed ayaa banaanka keenaysa cabsida ay ka qabaan haddii ciidanka Itoobiya baxaan inay sii xajisan karaan xukunka, xilli ay dowladda dhexe siisay madax goboleedyada muddo kororsi dheeri ah, si uu meelmar u noqdo qorshaha Villa Somalia ee doorasho dadweyne.

Villa Somalia ayaa dhankeeda iska fogeysay in qorshaha bixista oo markii hore wada-ogol lagu gaaray ay ku hoos jiraan qorshayaal kale sida; dano siyaasadeed ama kuwo lidi ku ah labadaasi nin.

“Ma garanayo siyaasiyiinta labadaas maamul waxa ay biyaha hoostooda ka arkeen, laakiin waxaan ognahay in aysan jirin wax qalalaase ah oo Villa Somalia laga abaabulaayo oo Baydhaba ku socda,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlay Universal Tv.

Waxa uu intaas kusii daray “Inta aan ka ogahay xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdicasiis Lafta-gareen wax dibindaabyo ah ma jirto ama dowladda federaalka ay ka damacsan tahay Koonfur Galbeed, xiriir kalsooni ka dhisan ayaa ka dhaxeeya labada masuul.”

La-taliyaha Madaxweynah oo markale ka hadlay ka warqabka go’aanka bixista ciidanka Itoobiya iyo inay wax ka saxiixeen Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ayaa yiri “Lafta-gareen iyo Axmad Madoobe waa ogyihiin, weyna taageereen qorshaha ciidamada Itoobiya looga saarayo Soomaaliya, ma ogi waxa cusub ee ku soo kordhay, laakiin go’aankaas waxaa lagu gaaray shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaran.”

Inkasta oo la-macaamilka dowlad kale, deris ama mid fog middii ay tahay wax door ah aysan ku laheyn maamul goboleedyada, haddana waxaa muuqata inay Itoobiya go’aansatay in madaxweyne Xasan Sheekh ay kula dirirto gudaha dalka.

Si kastaba, diidmada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee bixitaanka ciidamada Itoobiya waxay kusoo aadeysa xilli ay Itoobiya go’aansatay inay qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya.