A/Madoobe oo diyaariyay goob lagu qabto doorashada kuraasta Garbahaarey – Xog

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Maamulka Ceelwaaq ayaa maanta shaaciyay inay diyaariyeen Teendho loogu tala-galay in lagu qabto doorashada 16 kursi ee deegaan doorashadoodu ahaayeen magaalada Garbahaarey.

Maamulka ayaa sheegay in agagaarka garoonka diyaaradaha Ceelwaaq laga dhisay teendho, taasi oo lagu qabanayo doorashada 16 kursi, islamarkaana ay gacanta ku hayaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu maamulka Jubbaland horay u shaaciyay liiska 16 kursi ee deegaan doorashadoodu aheyd Garbahaarey, uuna qorsheyay inuu ka wareejiyo Garbahaarey oo kamid aheyd heshiiskii 17-ka September.

Sidoo kale waxay tallaabadan imaneyso ayada oo maxdaxweyhaha Jubaland oo ku sugan magaalada Nairobi uu halkaasi ka wado shirar uu la leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo beesha caalamka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Axmed Madoobe iyo saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ay ka wada-hadleen sidii ciidamada Kenya ee ku sugan gobollada Jubooyinka ugu qeyb qaadan lahaayeen sugida amniga halka ay ka dhacayso doorashada 16-ka kursi ee magaalada Ceelwaaq ee xuduuda labada dal.

Haddii uu hirgalo qorshaha Axmed Madoobe iyo Kenya ma jirto cid ka hor istaagi karto in amniga doorashada ay sugaan, maadaama ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhinacyo kala duwan oo Kenya ay hormuud u tahay beesha caalamka iyo Axmed Madoobe ayaa doonaya in doorashada lagu qabto Ceelwaaq, kadib markii ay cadaatay inaan la tegi karin Garbahaarey.

Dhinaca kale, haddii doorashadaasi lagu qabto Ceelwaaq waxaa fursad weyn doona murashaxiinta ay wataan Villa Somalia, waxaana cad in murashaxiinta kasoo jeeda beesha Mareexaan ee mucaaradsan Villa Somalia ay kusoo bixi doonaan

Si kastaba, Axmed Madoobe ayaa isku dayaya inuu doorasho ku qabto deegaan ay ku qanacsan yihiin dadka kasoo jeeda Gedo, balse uu sidoo kale awood buuxda ku yeelan karo, wuxuuna Ceelwaaq u arkaa magaalo buuxin karta labadaas shardi