Xog: Diyaarinta xildhibaanada taageersan Farmaajo oo laga billaabay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada taageersan madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu soo waramayaa in habeen walba ay iska xaadiriyaan Villa Somalia, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xildhibaanadaan oo u badan kuwa dhinaca Nabad Sugida kasoo galay iyo qaar kaloo tiro badan ayaa laga hadlaa loona diyaariyaa qaabkii ay ugu shaqeyn lahaayeen dib u doorashada Farmaajo iyo in ay ka shaqeeyaan soo xero gelinta xildhibaanada kale ee bannaanka ka taagan siyaasadda Villa Somalia.

Farmaajo ayaa niyad xumo ka muujiyay 16-ka kursi ee Garbahaareey, isagoona kasoo qaaday kuwo aan lagu tashan doonin, maadaama ay u eg tahay in Axmed Madoobe uu kaga guuleystay soo xulista 16-ka kursi oo la filaayo in lagu doorto Ceelwaaq.

Balse Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gacanta ku haysta kuna tashanaya xildhibaanada Koonfur Galbeed 85%, inta badan kuwa beelaha shanaad, iyo qeybo ka mid ah kuwa Reer Waqooyiga, Galmudug iyo HirShabeelle.

Si kastaba waxaa uusan ku tashan doonin xildhibaanada laga soo doortay Puntland iyo Jubbaland oo dhamaantood la hubo inaysan cod siin doonin Farmaajo, loona badinayo dhanka Saciid Deni.

Villa Somalia ayaa toos u guda gashay ololaha dib u doorashada Farmaajo, waxayna muuqata kooxda ugu lacagta iyo dhaqaalaha badan ee ka qeyb-galeysa doorashada 2022.

Si kastaba, waxaa dhici kara marka la tago hoolka doorashada in wax walba ay isbadalaan sidii horay ugu dhacday doorashadii 8-dii Febraayo 2017-kii ee mudanayaasha baarlamaanka la gediyeen Xasan Sheekh cododkii uu ku tashanayay waayay meel ay ka baxeen.