Rooble oo ku fashilmay inuu is-hortaago magacaabista Cabdiraxmaan Dheere

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in toddobaadkan dhexdiisa lagu dhowaaqo agaasimaha cusub ee hay’adda NISA ee beddeli doona Yaasiin Fareey, oo xilkan u hayey si ku-meel gaar ah dhowr bil.

Agaasimaha cusub ee NISA ayaa madaxweynaha xafiiska sii jooga ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin u xusheen in ay u magacaabaan xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo ah garabka midig ee Fahad Yaasiin.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku gacan sayray xubno loo diray si loo ogoleysiiyo inuu aqbalo magacaabida Cabdiraxmaan Dheere, waxaana la sheegay in Rooble uu cuskaday heshiiskii horay ay u gaareen isaga iyo Farmaajo ee dhigay in madaxweynaha uu soo magacaabo qof la isla ogol yahay.

Si kastaba, sida ay ogaatay Caasimada Online, Villa Somalia ayaa rumeysan inaysan jirin awood uu Rooble kaga hor-iman karo magacaabista Cabdiraxmaan Dheere, marka laga reebo in uu muujiyo kaliya diidmo aan dhaaf siisneyn qoraal cambaareyn ah.

Hase ahaatee, haddii Farmaajo uu magacaabo saacadaha soo socda Cabdraxmaan Dheere waxay ka dhignaan doontaa tijaabo kale oo lagaga guuleysta ra’iisul wasaare Rooble, oo markii hore looga adkaaday in meesha laga saaro agaasimihii uu horey u magacaabay ee Bashiir Goobe.

Xubno isugu jira xildhibaano, siyaasiyiin iyo dalaaliin siyaasadeed ayaa saacadihii u danbeeyay ka mira dhalin waayay ogolaansho laga helo Rooble, taasoo soo dedejisay in Farmaajo iyo Fahad ay ku adkeystaan magacaabista Cabdiraxmaan Dheere.

Arrintan ayaa la filayaa inay khilaaf cusub dhaliso, balse ayada oo la filayo in madaxweyne cusub la doorto laba bil gudahood, waxaa suurta-gal ah in ra’iisul wasaare Rooble iska sabro.