Axmed Madoobe oo dalab u jeediyey xildhibaanada iyo wasiirada Jubaland ee DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada, senatorada iyo wasiirada Jubbaland ku metala dowladda dhexe.

Kulanka ayaa yimid, kadib casuumaad uu madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland u sameeyey xubnahan, iyaga oo kadib iska xog wareystay xaaladda guud ee Jubbaland.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa kala warqaadasho iyo dardaaran uu Axmed Madoobe u jeediyey masuuliyiinta kala duwan ee Jubnaland ku matala dowlada federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale hal arrin ka codsaday xubnaha uu la kulmay, taas oo ah inay dib ugu noqdaan deegaannada laga soo doortay ama ay wakiilka ka yihiin, si ay ugu kuurgalaan xaaladaha ka jira halkaasi, maadaama ay ku dhufatay abaar baahsan.

Sidoo kale wuxuu kala hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo shaaca ka qaaday in howlgallo culus ay dhowaan ka bilaabanayaan deegaannada Jubbaland.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii xildhibaanada iyo xubnaha kale ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ay ugu soo noqon lahayeen deegaanka isla markana ay ugu kuur gali lahayeen dadaalada socda iyo howlgalada dhawaan bilaabanaya ee lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Jubbaland ay la daala dhaceyso xaalado adag, sida abaaro iyo howlgallada ka dhanka ah Shabaab oo weli ku xoogan maamulkaasi.