Aabaha dhalay LUUL oo dalab culus soo saaray kadib soo qabashada ninkii gubay

Muqdisho (Caasimada Online) – Aabaha dhalay gabadhii dhawaan uu ninkeeda ku gubay magaalada Muqdisho, Sheekh Cabdicasiis Maxamed ayaa laamaha amniga uga mahad-celiyay soo qabashada ninkii gubay gabadhiisa, isagoo dalab culusna u diray dowladda.

Waxa uu ka dalbaday madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya in loo qisaaso ninka gubay gabadhiisii oo xaamilo aheyd, oo haatan ku jira gacanta hay’addaha ammaanka.

Sayid Cali Macalin Daa’uud oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogeen ciidanka NISA ayaa ugu dambeyn shalay galab waxay kasoo qabteen deegaanka Gaadaale oo hoostaga degmada Hobyo, xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Aabe Cabdicasiis ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uusan weli duugin gabadhiisa, ayna tahay sababta inay rabaan in hal mar la wada aaso gabadhiisa iyo ninkii gubay, oo shalay lasoo qabtay.

“Meydka waxaa loo duugi waayay waa in lala duugo ninka dambiilaha ee dilay, waxaan codsanayaa aniga oo ah Luul Aabaheed in ninkaas caddaaladda la horgeeyo,” ayuu yiri Sheekh Cabdicasiis Maxamed.

“Waxaan hay’adaha amniga ka codsanaynaa in gacanta naloo keeno oo dowladda inoo dhamaystiro maadaama ay dalka iyo dadka masuul ka tahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Aabaha dhalay Haweenaydii ninkeeda ku gubay Muqdisho.

Allaha u naxariistee, Luul Cabdicasiis ayaa Jimcihii ku geeriyootay magaalada Muqdisho kadib dhaawacyo daran oo kasoo gaaray dabka la sheegay inuu qabad siiyay ninkii qabay ee maanta lasoo qabtay.

Luul ayaa ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Marxuumadda ayaa waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay, iyada oo sidoo kale aheyd hooyo kaligeed ku ahayd korinta lix carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Ninka dabka qabad siiyay marxuumadda ayaa waxay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, ayaga oo qoyska uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay, ayada oo soo baxayaan warar sheegaya inay salka ku hayso arrimo masayr.

Si kastaba, Falkaan oo ah mid ay ka argagaxeen Soomaalida, ayaa sidoo kale ay bulshada Soomaaliyeed wada dhowrayaan tallaabada ay ka qaadi doonto dowladda federaalka Soomaaliya.