Carmo (Caasimada Online) – Waxaa haatan weji cusub yeeshay kiiska gabar yar oo lagu mehriyay magaalada Carmo ee gobolka Bari, taas oo uu shalay abtigeed soo bandhigay arrinteeda oo ah mid xasaasi ah, waxaana hadda soo hadlay aabaheed oo soo jawaabay.
Gabadha yar oo lagu magacaabo Faadumo Xiddig ayaa sida uu abtigeed sheegay waxa ay jirtaa 8 sano, wuxuuna tilmaamay in nin oday ah uu si qasab ah ugu mehersaday magaalada Carmo, kadib markii la waayay inanta oo horay ay u geeriyootay hooyadeed.
Saciid Abshir Maaxmuud oo ah abtiga ka hadlay dhacdadaan ayaa sidoo kale farriin cod dheer ah u diray laamaha ammaanka iyo bahda garsoorka Puntland, si ay farogeliyaan kiiska gabadhaasi yar oo sidoo kale si weyn u qabsaday baraha bulshada ee Internet-ka.
“Laamaha dowladda ,garsoorka iyo hay’adda xaquuqul insaanka ee Puntland waxaan ka codsanaynaa in gabadhaas yarta ee aan qaangaarin lana xaday, muddo na uu haystay ninkaas daalimka ah laga soo qabto, lana hor keeno caddaaladda, hadda wuxuu ku haystaa guri Carmo ku yaala, waxaa laga dacweeyey saldhiggaciiddan ayaana loo diray kadibna wuxuu hoos ka soo xirtay guriga isaga iyo gabadhiiba,” ayuu yiri Abtiga.
Intaas kadib waxaa isna soo jawaabay aabaha dhalay gabadha yar ee uu muranka ka dhashay guurkeeda, wuxuuna u jawaabay abtiyeyaasha, isaga oo sheegay in gabadhiisu jirto 12 sano, isla markaana uu u mehriyay ninka odeyga ah ee deggan aagga Carmo.
“Inta ay hadba meel ka tegi lahayd oo guri kale tegi lahayd, mana la rabo suuqa naag wareegeyso, marka haddii aad qalad haysaan keena baan iri. Nimanka iska celi, anne waa iska celshay, gabadhaas waa 12 jir waxyar baa u harsan,” ayuu ku jawaabay Aabaha.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ninka odeyga ah ay ku balameen in gabadha uu wax sii baro, isla markaana maalintii uu ku dhaco dhiiga cadaada uu kadib la aqal-galo, sida uu hadalka u dhigay
“Aniga ninkaas gabadha waa siiyay, waana u mehriyayba, ninkaas maalintii ay gabadhaas caado hesho ayuu guri la galayaa wax kale oo meesha yaallo ma jiraan,” ayuu sii raaciyay.
Dhinaca kale, waxaa kiiska haatan si toos ah ula wareegay laamaha cadaaladda ee Puntland iyo xafiiska Xuquuqul-insaanka, si looga sal gaaro natiijada kiiskan xasaasiga ah ee ku saabsan Faadumo Xidig oo ah gabar yar oo aan qaan-gaarin, misana la mehriyay.
Si kastaba, Dhacdadaan oo si weyn ugu baahday baraha bulshada ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, waxaana dad badan la yaab ku noqday meherka gabadhaasi yar.