Aabaha Soomaaliga lagu tuhmayo dilka xildhibaan Sir DAVID AMESS oo hadlay

London (Caasimada Online) – Xarbi Cali Kulane ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xariga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, isaga oo wargeyska The Sunday Times u xaqiijiyey in loo xiray dilka xildhibaan David Amess.

Xildhibaan Sir David Amess ayaa Jimcihii dhintay kadib markii sida la tuhunsan yahay uu Cali ku weeraray mindi, ayada oo la rumeysan yahay inuu ku dhuftay ugu yaraan 12 jeer, xilli uu ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London.

“Daqiiqaddan la joogo waxaan mareynaa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh,” ayuu Xarbi Cali Kulane, oo mar la taliye u ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, u sheegay wakaaladda wararka Reuters oo uu email ugu jawaabay.

“Ma ahan waxaan filayey ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kulane ku yiri wareysi kale oo uu siiyey The Sunday Times.

“Sababo la xiriira baaritaanka horudhaca ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,” ayuu yiri Xarbi Cali Kulane, oo sidoo kale mar soo noqday agaasimihii warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Booliska Britain ayaa Axaddii baaritaan ku sameeyey guriga Cali Xarbi Cali ee waqooyiga magaalada London. 

Dhinaca kale, qoyska Sir David Amess ayaa baaq u diray shacabka Britain. 

“Dhinac iska dhiga naceybka, kana shaqeeyaa midnimada. Midabka, diinta ama aragti siyaasadeed kasta oo midkiin uu haysto, isku dulqaata,” ayey ku yiraahdeen bayaan ay soo saareen oo ay sii daayeen booliska UK.

Cali Xarbi Cali – oo weli aan dacwado lagu oogin – ayaa waxaa su’aalo weydiinaya booliska si loo ogaado haddii uu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada caalamiga ah.

Ilo-wareedyo amni oo xog-ogaal ah ayaa wargeyska Daily Mail u sheegay in Cali uusan ka mid aheyn dadka ay isha ku hayeen sirdoonka gudaha UK ee MI5, inkasta oo sanado kahor ay beegsadeen Prevent, oo ah barnaamijka dowladda ay ku beddesho dadka la xagjireeyey.

Warbixino horduhac ah ayaa tilmaamaya in Cali uu weerarka kaligiis qaaday, islamarkaana isaga kaligiis uu xagjir noqday kahor weerarka.

Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in tuhmanaha uu ku nool yahay London, islamarkaana uu tareen u raacay magaalada Essex si uu weerarka uga fuliyo.

Waxaa la sheegay inuu weerarka qorsheeyey toddobaad ka hor, islamarkaana uu ballan u goostay inuu ka qeyb-galo kulan uu qabanayey xildhibaanka.

Tuhmanaha ayaa Amess oo 69 jir ahaa mindida ku dhuftay 12 jeer, wuxuuna ku dhintay goobta.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Cali markii uu weerarka fuliyey oo uu mindida kala daalay Sir David uu muddo shan daqiiqo ah dul taagnaa, illaa ay ka yimaadeen booliska, oo kadib ka qaaday mindida islamarkaana xireen.

Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah.

Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah.