Daawo: Xubnihii laga saaray gudiyada doorashada federal-ka oo war culus soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi ay ku midoobeen xubnihii laga saaray guddiyada doorashooyinka Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa soo jeediyey cabashooyin ay qabaan oo la xariira xaalado amni oo ay wajahayaan iyo xuquuq uga maqan dowladda, taas oo aan la siin mudadii ay shaqeynayeen.

Xubnahaan oo isugu jira kuwii laga reebay guddiyada doorashada heer federaal, heer dowlad goboleed iyo xalinta khilaafaadka ayaa sheegay inay shaqeynayeen ku dhawaad todoba bilood, isla markaana afar bilood oo ka mid ah aysan wax mushaar ah helin.

Sidoo kale xubnahaan waxay sheegeen in khataro amni ay wajahayaan, qaarkood ayaa ka soo jeeda deegaanada Somaliland, waxayna sheegeen inay u dakanoobeen dowladda Soomaaliya oo dib aysan ugu laaban karin deegaanadoodii.

Waxay sheegeen in marar badan ay codsiyo u dirteen ra’iisul wasaare Rooble oo xukuumadiisa ay ku eedeeyeen in aysan siin xuquuqdii iyo maasuusii ay ka mudnaayeen, mudadii ay la shaqeynayeen.

Mid ka mid ah xubnaha shirka jaraa’id qabtay ayaa yiri, “Waxaan ka xunahay in guddiyada doorashooyinka nala ka saaray, oo nala yiri ma meteli kartaan umadda Soomaaliyeed, wax na qabta maaheyn taas, laakiin xalbaa la mooday, hadda waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka in xuquuqdeenii nala siiyo.”

“Habraacyada iyo xeerarka ay maanta Soomaaliya doorashada ku gashay anagaa sameynay, bal iska daa in nala maamuusee xaqeenii ayaan weynay, anagoo markii hore shacab aheyn ayaa madax nala ka dhigay, hadda waxaan wajaheynaa riskiyo badan, xaalado dhaqaale iyo mid amni ayaan wajaheynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradii hadashay.

Xubnahaan ayaa ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ka codsaday inay helaan xuquuqdii ay dowladda ku lahaayeen mudadii ay shaqeynayeen, waxay sheegeen in loola dhaqmay sidii dad dembi galay, balse ay yihiin dulmaneyaal ku baxay hardan u dhaxeeyey siyaasiyiin.

Ku dhawaad 40 xubnood ayaa bishii June ee sanadkaan laga saaray heerarka kala duwan ee guddiyada doorashooyinka dalka, kuwaas siyaasiyiinta mucaaradka ah ay u arkayeen in aysan dhexdhaxaad ka noqon karin hardanka doorashada, oo ay isugu jiraan shaqaale dowlo, askar iyo taageerayaal daacad ah.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee xubnahaas