Ciidamada Kenya oo dad shacab ah iyo xoolo badan ku laayey Jubbada Hoose

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kenya ay toogasho u geysteen dad shacab ah oo ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Somalia.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Raaskaambooni, waxaana dadka ay waxyeelada ay soo gaartay ay ahaayeen xoolaley ku dhaqnaa halkaasi.

Toogashadan ayaa waxaa ku dhintay nin lagu magacaabi jirauy  Carab Qoriyow oo ka mid ahaa dadka deagaanka, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo rayid ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Kenya ay laayeen xoolo fara badan oo gaaraya ku dhowaan illaa 50 neef oo Lo’a ah oo ay lahaayeen dadka deegaanka.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa waxa keenay in ciidamada Kenya ay dhibaatadaas u geystaan dadkaasi shacabka ah ee aan waxba galabsanin.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale haatan cabsi ka muujinayo inay sii wadaan ciidamada Kenya Kenya dhibaatada ka wadaan halkaasi, waxayna baay u direen Jubbaland & dowlada.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dhacdadaas lagu eedeeyey Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa marar badan lagu eedeeyey inay dhibaatooyin iyo tacadiyo ka dhan ah rayidka ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.