Mustafe Cagjar oo si rasmi loogu doortay madaxweyne

Jigjiga (Caasimada Online) – Sii-hayaha madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah loogu doortay Mustafe Muxumed Cagjar oo ismaamulka hoggaaminayey saddex sano ee lasoo dhaafay, kadib markii xilka laga qaaday, lana xiray Cabdi Maxamuud Cumar.

Cagjar ayaa sharciyan markii hore wuxuu ku magacownaa madaxweyne ku-xigeen, hase yeeshee wuxuu sii hayey xilka madaxweynaha, kadib markii uu sanadii 2018 is-casilay madaxweyne Cabdi Iley.

Cagjar ayaa ku soo baxay codad aqlabiyad leh, kadib markii ay cod gacan taag ah ugu codeeyeen xildhibaanada baarlamaanka ee dowlad deegaanka.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ayaa markale hoggaamin doono dowlad deegaanka Soomaalida shanta sano ee soo socota, sida uu shaaciyey baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa madaxweyne ku xigeenka ismaamulka Soomaalida ee fadhigiisu yahay Jigjiga loo doortay Ibraahim Cusmaan Faarax.

Dhinaca kale waxaa haatan socota qaban qaabada xafladda caleema saarka ee madaxda cusub, taas oo si weyn looga dareemayo magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulkaasi.

Caleema saarka waxaa ka qeyb-galaya oo lagu casuumay mas’uuliyiin kala duwan oo intooda badan ka socda Ismaamulada Itoobiya, sida madaxweynaha dowlad deegaanka Oromiya Shimalis Abdisa, wafdi ka socda Somaliland iyo madaxda federaalka Itoobiya.

Si kastaba, Mustafe Cagjar ayaa xafiiska yimid 22-kii August 2018, markaas oo uu isbedal ballaaran ku yimid hoggaankii dowlad Soomaalida ee Itoobiya.