Aadan Madoobe oo digniin u diray xildhibaannada BF kadib arrin maanta dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta hadal ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin u diray xildhibaanada ka maqan kulamada golaha, kadib markii shirkii maanta uu u baaqday kooram la’aan darteed, kadibna la soo xiray.

Kulankan baaqday ayaa qorshuhu ahaa in xildhibaanada loo qaybiyo sharciga hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, kaas oo ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in maqnaashiyaha xildhibaanada ay cuuryaamineyso shaqada Bartalamaanka, isaga oo ugu baaqay inay ka waantoobaan.

“Sidaan haddii uu kusii socdo Baarlamaanka ma shaqeyn karno. Xildhibaanada waxaan u sheegayaa inay ka waantoobaan inay ka maqnaadaan shaqada,” ayuu yiri Aadan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tani dhaawceyso xeerarka u yaalla baarlamaanka iyo sharcdiga dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Ma’aha in sharciga innoo yaallo lagu ciyaaro, waxaana dirayaan farriintii u dambeysay,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay.

Ma’aha markii ugu horreysay ee uu kooram la’aan u baaqdo kulamada Golaha Shacabka, Soomaaliya, waxaana dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay lagu kala tegay shirar ay lahaayeen xildhibaanadu, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaanada.

Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag, waxaana ugu horreeysa 21 hindise sharciyeed oo ay usoo gudbisay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.