DF Soomaaliya oo ciidamo horleh geysay deegaanada la xoreeyay + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo Boolis ah oo suga amniga ay geysay deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ee gobollada dalka, waxaana sidaas warbaahinta u sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in qorshahaan uu qayb ka yahay sii socoshada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga qabsado deegaannada ay ka joogaan dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu haatan socdo abaabul kale oo deegaanadaas lagu geynayo ciidamo Nabad Sugid ah, si ay u xoojiyaan kuwa Booliska.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in adeegyada muhiimka la gaarsiin doono, sida Maxkamadaha, Adeegyada Bulshada iyo dhammaan howlaha looga baahan yahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Meelaha ciidamo la geeyay oo uu ra’iisul wasaaruhu xusay waxaa kamid ah degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhowaan laga saaray Al-Shabaab.

“Meelaha aan u bixiyay dib u dejinta ee adeegyada Dowladda aan gaarsiineyno waxa aan u dejiyay qorshe lagu gaarsiinayo Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Garsoorka iyo Adeegyo kala duwan, Aadan Yabaal oo ah Degmo weyn waxaa geynay Ciidamo Booliis ah, waxaa socda diyaarinta Ciidanka Nabadsugidda, sidaas oo kale deegaannada kale waan geyn doonnaa Ciidamada Booliiska & Nabadsugidda” Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa farriin u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday inay ka qayb-qaataan dadaalka socdo, si loogu midoobo kooxda Al-Shabaab.

Qorshahan ayaa qayb ka ah dadaallada ay wado dowladda ee ku aadan in aysan dib usoo laaban ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada gobollada dalka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa guullo waa weyn ka gaartay howlgallada haatan ka socdo deegaanada HirShabelle, wuxuuna howlgalka usii gudbay Galmudug oo haatan ciidanka huwanta ay gaareen deegaano ka tirsan Galgaduud.