AADAN MADOOBE oo faro-geliyey dagaalka BARAAWE, qaadayna tallaabo culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin ka soo diyaariya shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddigaan ayaa ka kooban 10 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka, waxaana warqadda lagu magacaabay lagu cadeeyey waajibaadkooda shaqo.

Labada qodob ee lagu xusay waajibaadka guddigaan ayaa kala ah:

1- Inay warbixin ka soo diyaariyaan xaaladda magaalada Baraawe oo ay ka dhacday shaqaaqo sababtay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

2- Guddigaan waa inuu warbixinta u soo gudbiyo guddoomiyaha golaha shacabka, si go’aan looga gaaro.

Sidoo kale xoghayaha guud ee golaha ayaa laga dalbaday inuu guddigaan la fududeeyo gudashada waajibaadka loo igmaday, waxayna shaqada guddigaan ku egtahay markii ay warbixinta u gudbiyaan guddoomiyaha golaha shacabka, sida lagu cadeeyey warqadda.

Dagaal culus ayaa maalmo ka hor ka dhacay magaalada Baraawe, kaas oo u dhaxeeyey ciidamada militeriga ah ee degan magaaladaas iyo ciidan ka tirsan ilaalada madaxtooyada K/Galbeed oo dhawaan magaaladaas loo geeyey inay ilaaliyaan madaxtooyada maamulkaas ee Baraawe.

Labada ciidan ee dagaalantay ayuu midba kan kale ku eedeeyey masuuliyadda dagaalka, waxayna taasi sababtay in guddoomiye Aadan Madoobe uu guddi xildhibaano ah u xil-saaro baaritaanka sidii ay ku bilaabayay shaqaaqadaas.

Hoos ka aqriso warqadda