Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo si toos ah ula hadlay xildhibaannada labada Gole ayaa ku dhawaaqay in la fasaxay kulankii maanta, kadib markii laga wadi waayay buuq ay mar kale sameeyeen xildhibaanno u badan kuwa mucaaradka oo kasoo horjeedo wax ka beddelka Dastuurka.
Xildhibaanadan oo inta badan kasoo kala jeeda Puntland iyo Jubaland ayaa ku dooday in mudo dheeraad ah aan lagu dari karin Kalfadhigooda, iyaga oo dalbaday in lasoo xiro si dastuuri ah, halka guddoonka sare uu sheegay inuu sii socon doono, lana wadayo howlaha, gaar ahaan dooda Dastuurka KMG ka ah.
Arrintan ayaa keentay in buuqa uu sii socdo, iyada oo xildhibaannada careysan ay saaka ku jarmaadeen gudaha xarunta, waxaana uu meesha ka dhacay dagaal kale oo sababay inay dhaawacanto xildhibaan Cadar Xareed oo ka tirsan Golaha, taas oo la geeyay mid kamid ah isbitaallada ku yaala Muqdisho.
Intaas kadib, waxaa arrinta soo farageliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shaaciyay in la fasaxay kulankii maanta, si xaaladda loo qaboojiyo.
“Aniga oo ku hadlayo magaca guddoonka BFS waxaan idinka codsanayaa inaan ogolaano soo jeedinta xildhibaannada buuqsan ee ah in maanta kulanka dib loo dhigo, sidaas daraadeed maanta waa fasaxeynaa fadhigga, waxaana rajeyneynaa in arrinta naga soo dhamaato oo ay sii socdaan howlaha u yaalla Baarlamaanka” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kulamada ay sii socon doonaan, balse ay la fariisan doonaan xildhibaannada buuqa wada, si loo dhageysto tabashadooda.
“Baarlamaanka ma xirmi doono howshuna waa socon doontaa, laakiin waxaan rabnaa walaalaheyn inaan wada-hadalno waxa ay tabanayaana aan ka dhageysano”. ayuu mar kale yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Dhinaca kale, kulankii maanta ee Baarlamaanka waxaa loo diiday inay soo tabiyaan Wariyeyaasha madaxa banaan, maadaama ay meesha ka jirtay fowdo, isla markaana xarunta la geeyay ciidamo Boolis ah oo dheeraad ah.
Arrintan ayaa soo noq-noqotay, waxayna uga dareysaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, maadaama weli la’isku hayo hannaanka guud ee loo wajahayo doorashooyinka dalka iyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel-gaarka ah.

