A/Madoobe oo shaaciyey qorshe ku wajahan Koonfur Galbeed kuna dhawaaqay…

Muqdisho (Caasimada Online) -Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed maamulka Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa iclaamiyey shir guud oo looga arrinsanayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taas oo ka dhalatay muddo kororsi uu sameystay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa shaaciyey inuu wadatashi la sameeyey madaxda sare ee dowladda iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, islamarkaana uu qabanayo shir dib u heshiisiin ah oo xal looga gaarayo khilaafka ka dhashay doorashada guud ee maamulkaas.

“Waxaan go’aansaday in shir dib u heshiisiin dhab ah loo qabto reer Koonfur Galbeed, waad ogtihiin muddo xasaasi ah ayaa lagu jiraa dalka wuxuu galay dagaal dib u xoreyn ah marka sidaa daraadeed dad aan mideysneyn guud ma gaari karaan,” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhinacyada isku hayo Koonfur Galbeed iyo bulshada rayidka ah inay kasoo qayb-galaan shirkaas oo looga arrisanayo masiirka maamulka.

“Waxaan soo jeedinayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee deegaankaas deggan inay dib heshiisiintaas ayidaan ku talagalaan si ay u gaaraan midnimo dhab ah,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu dib kasoo sheegi doono goorta la qabanayo shirweynahaasi iyo sidoo kale goobta uu ka dhacayo.

“Muddada furitaanka ee shirkaas uu bilaabanayo gadaal ayaan kasoo sheegi doonaa, hadii uu Alle idmo, waxaan rajeynaa in shirkaas uu noqdo mid miro-dhal ah,” ayuu markale yiri.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhexeyso madaxtooyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay, kadib muddo kordhin labo sano ah oo loo sii sameeyey Lafta Gareen.