Biixi oo gool siyaasadeed ka dhaliyay mucaaridka kadib tallaabo uu qaaday maanta

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii dambe wajahayay culeyso uga imanayay dhanka mucaaridka, kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkiisi dastuuriga ah, ayaa maanta ku dhaqaaqay tallaabo uu ku muujinayo inuu meel-marsaday muddo kororsigii loo sameeyay.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa kal hore muddo kordhin laba sano ah u sameeyay madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo uu si adag uga horyimid mucaaridka oo ku dhawaaqay inaysan madaxweynaha Somaliland u aqoonsaneyn Muuse Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaa maanta tagay xarunta Xisbul tallada haya ee Kulmiye, isaga oo shir-guddoomiyay shirka guddida fulinta xisbiga oo laga soo saaray qoddobo taageero loogu muujinayo madaxweynaha.

“Xisbiga Kulmiye waxa uu hadalkii kasoo yeeray xisbiyada mucaaridka ku tilmaamay mid qeyrul dastuuri ah oo qaran jabin ku ah Jamhuuriyada Somaliland, sidaas daraadeedna ay qaranka ku laheyn xuquuq sharci,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirkaas.

“Xisbiga Kulmiye waxa uu ku amaanay madaxweynaha ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ilaalinta iyo dhowrista dastuurka iyo xeerarka ka dhabalma, waxayna usoo jeediyeen in uu dulqaad muujiyo sidii uu awal ku sifeysnaa hase yeeshe aanu dulqaadkiisa uusan noqon mid dhibaato u geysanaya shuruucda dalka.”

Shir-guddoominta Muuse Biixi ee shirka guddida fulinta xisbiga Kulmiye ayaa u muuqata dhoola-tus siyaasadeed, ayada oo dadka fallanqeeya arrimahaana ay ku tilmaameen in Biixi uu gool siyaasadeed ka dhaliyay mucaaridka, oo ayagu tabartooda kusoo koobmatay hanjabaad ay mariyaan warbaahinta.

Shacabka Somaliland qaarkood ayaa qabay walaac xoogan oo la xiriiray 13-ka November oo aheyd maalinkii uu ku eeka muddo xileedka dastuuriga ah ee Muuse Biixi, maadama mucaaridka ay ku goodinayeen inaysan aqbaleyn muddo kordhin, hase yeeshe waxaa hadda muuqata taasi badalkeeda iyo in Biixi uu dhameysan doono muddo kordhinta ay Golaha Guurtida hore ugu sameeyeen.