Maxkamadda G/B oo go’aan cusub kasoo saartay kiiska Maareeyaha Hay’ada Duulista

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta dib uga qaaday xayiraada socdaal ee ay hore u saartay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macallin Xasan.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir oo ku socday Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa waxay ku sheegtay in maareyaha uu horyimid oo uu la wadaagay warbixintii ay ka dooneysay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay fulinta go’aankii kiiska hore loogu haystay Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, kaasi oo la xiriiray gal dacwadeed ay kasoo gudbisay gabar lagu magacaabo Fatxi Xasan Daahir.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waa inay siiso Fatxi mushaarkii ka baaqday 1-January-2021 illaa 1-September-2022, oo gaaraya marka laga jaro canshuurta $50,033.4 (Konton kun, sodon & sadex iyo afar sinti oo doolar) ayna sii wado bixinta mushaarkeeda saafiga ah oo dhan $2,051.67 (Laba kun, konton iyo kow & lixdan iyo toddobo sinti oo doolar) illaa ay ka helayso gunada guddiga maamulka hay’adda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Waxa sidoo kale lagu yiri qoraalka “Markay Maxkamadda aragtay in Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed uu horyimid maanta oo ay taariikhdu ahay 19/11/2022 una hogaansamay uyeerista Maxkmadda, lana wadaagay warbixintii ay ka dooneysay. Sidaas darteed waxaa la farayaa Taliyaha Saldhiga Booliska garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha in aad ka qaadan xayiraada safar ka joojin Axmed Macalin Xasan – Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.”

Saddex maalmood ka hor unbey aheyd markii ay Maxkamadda gobolka Banaadir ay soo saartay go’aanka xayiraada socdaal ee Axmed Macalin, kaasi oo taliyaha Taliyaha Saldhigga Boliiska Garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka lagu faray in maareeyaha aanu ka dhoofi karin garoonka Aadan Cadde.

Hoos ka arag warqadda kasoo baxday maxkamadda