Sawirro: Muxuu Xasan Sheekh kaga dhowaaqay BAXDO?

Dhuusamareeb (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta u baxay kormeer uu ku tegayo furimaha dagaalka ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud oo kamid ah deegaanada laf dhabarta u ah halganka socda ee ka dhanka ah Argagixisada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal kamid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-Nuur oo ah saldhiga halganka diiniga ah ee ka hortaga fikirka guracan iyo gumaadka Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku bogaadiyay sida naf hurnimada ah ee ay ugu guntadeen difaaca dhulkooda.

Waxa uu ku adkeeyay madaxweynuhu muhiimada in waqti kooban lagu xoreeyo deegaanada Galmudug ee ku haray gacanta cadowga, isaga oo xusayna geesinimada iyo nafhurnimada ay muujiyeen bulshada magaalada Baxdo.

“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen heeryada Argagixisada.

“Geeddiga dabar-goynta Khawaarijtu waa billowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.”

Madaxweynaha oo sii wata kormeerkiisa abaabulka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab ayaa u safray magaalada Wisil ee gobolka Mudug, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.