Aamin Ambulance oo war kasoo saaray xariga xalay loo gaystay agaasimahooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Aamin Ambulance ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xariga xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay agaasimihii adeegaas Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan.

Maamulka ayaa caddeeyey in xarrigga loo geystay Agaasimaha Dr. Cabdulqaadir uusan wax xiriir ah lama laheyn Adeegga Aamin Ambulance, balse uu yahay mid shaqsi ah, waxayna u mahad-celiyeen dowladda.

“Waxaan halkaan uga mahad celineynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya qeybaheeda kala duwan iyo xubnaha bulshada ee nagala soo xiriiray oo nala wadaagay dareenkooda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Aamin Ambualnce.

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa xalay Cabdulqaadir Cabdiraxmaan kasoo xiray Baar lagu magacaabo Spaghetti House oo ku yaalla agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxana la geeyey xarunta dembi barista booliska ee CID-da.

Warqad kasoo baxday xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in Cabdulqaadir madaxa Aamin Ambulance ay cabasho kasoo gudbiyeen laba nin oo lagu kala magacaabo Axmd Cabdiraxmaan Diiriye iyo Barre Cismaan Xuseen, kuwaas qaab Forex ah uu lacag uga qaatay, taas oo cadadkeedu dhanyahay, $214,000 oo dollar.

Dr. Cabdulqaadir ayaa markii dambe lasii daayey, hase yeeshee kiiskiisa ayaa weli taagan.