Deni, Gaas iyo Faroole oo ka qeyb galay dood ku saabsan doorashada 2020/2021

Garowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe waxey kulmisay dad maqaam ku leh siyaasadda Soomaalida, waxeyna ka qeyb galeen dood ku saabsan sida laga yeeli doono doorashada qaran ee la filayo iney dhacdo dhamaadka sanadkaan ama bilowga sanadka soo aadan.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka qeyb galay doodda la qabtay, sidoo kale madaxweynayaashii horay usoo maray maamulka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole oo hadda ka mid ah senator-ada dowladda.

Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolaha wakiilada ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii doodda ka qeyb galay.

Warbaahinta waxey sidoo kale sheegtay in Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland ay xaadir ku ahaayeen, waxaana looga hadlay waxa ku gudban in doorasho qaran la qabto dhamaadka sanadkaan ama horaanta sanadka xiga.

Waxaa la ogyahay in loo baahan yahay dhismaha xildhibaanno, senataro, guddoonkooda iyo labada masuul ee ugu sarreysa dalka, waxeyna arintaan imaaneysaa xilli xiriirka dowladda dhexe iyo Puntland uusan cago badan ku taagneyn tan iyo markii la magacaabay Saciid Deni.

Sida ku cad hanaanka la marayo dowlad goboleedyada waxey xaq u leeyahiin iney soo magacaabaan Senatarada ay ku yeelanayaan Aqalka sare, sidoo kale xildhibaan walba wuxuu u baahnaan doonaa inuu aado deegaan doorashadiisa.

Guddiiga madaxa banaan ee Doorashooyinka wali waxey aaminsan yahiin in la hirgalin karo doorasho qof iyo cod ah, balse waxaa loo qabtay muddo isbuuc ah iney gudoonka baarlamaanka hortooda kaga caddeeyaan nuuca doorasho oo uu dalka galayo.

Dhamaadka bishaan ayaa laga sugayaa guddiga iney sheegaan hanaanka la marayo iyadoo waxyaabo badan isha lagu hayo.

Inkastoo guddiga ay aaminsan yahiin iney doorasho qof iyo cod ah dhici karto, hadana xaaladdo badan oo ay ka mid yahiin (Amniga, Dhaqaalaha iyo xanuunka safmarka ah ee Coronavirus) ayaa la dareensan yahay iney ku horgudban yahiin.

DAAWO SAWIRADA: