Aaran-Jaan mooyee, geeddi caano leh baa loo guuray

Geeddi caano leh! Ummaddu waa dhaqaaqday, waxayna degtay rug raali lagu wada yahay, rabina lagu sugo! xuquuq ka maqneyd bay haleen…Taladii dalka kaallintii ay ku lahaayeen baa maanta soo bidhaameysa! Oo waa in codkoodu yahay midka uu ninka talinaya ku yimid! Hadda waa codkaas keliya! dad-weynuhu xooggooda iyo saameynta siyaasadeed ee ay leeyihiin waa codkaas ay sanduuqa ku ridayaan oo keliya!…waa codkaas midka ay ummadaha horumaray tuuladooda ugu yar iyo dalka oo dhan ay ku dhiseen! Waa codkaas sababta uu habeenkii qofka muwaadhinka ah walwal gurigiisa ugu seexdo oo uusan cadow uga baqeyn!… Puntland iyo guud ahaan dalkeenaba waxaan u rajeyneynaa Geeddii Caano Leh oo lagu dego Rug Caano leh! Doorashada Puntland ka qabsoontay waxay ku tuseysaa oo marqaati cad u tahay sida shacabka Soomaaliyeed uu u yaqaano dowladnimmada uguna diyaarsanyahay inay madaxdooda iyaga soo doortaan! Waxaana Xusid mudan in magaalo iyo tuulo kasta oo dalka ah laga helayo Aaran-Jaan iyo Duqow-Jaan, aan yeeleyn in shacabku go’aansado aayihiisa sida hadaba ka dhacday Garowe! Waxaase ammaan mudan shacabka iyo madaxda dowlad goboleedka Puntland sida ay u maareeyeen SHayaadhiinul-Jinniga iyo Shayaadhiinul-Insiga 

ku soo duulay, heer arrintu gaartay in ciidammadii laga soo saaray Furrintii Dagaalkii Midnimo Qaran!….Aaran-Jaan?! 

Run ahaantii kooxda Aaran-Jaan intii magacooda la bartayba waxay Puntland ku hayeen dhibaatooyin baaxadooda leh oo xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhaqankaba leh, waxayna ka soo dhex baxeen oo ku dhismeen oo wax badan ay ka macaasheen marka laga reebo guud ahaan dabeecadda siyaasadda wasakhada ah ee dalka oo dhan saameysay khilaafaadkii soo jiitamay ee sida gaarka uga dhexeeyay siyaasiyiintii gobolka dhismihii Puntland iyo ka horba, waxayna dadk caadiga ah iyo siyaasiyiin badan rumeysnaayeen inay yihiin dulaaleey siyaasadeed, iyaguna waxay dhaqan ahaan u muuqdeen ama ahaayeen hadana yihiin dad ka ganacsada siyaasadda waxaana uu magacooda soo shaac baxay markii ay ku guuleysteen tijaabadoodii ugu horeysay oo ahayd taageerradii ay isku garab taageen ololihii doorashadii madax-weynihii hore ee Puntland Cabdi-SHiikh Max’ed Faroole 2009kii markii uu madax-weynenimmada Puntland ku guuleystay. Waxayna ahayd markii ugu horeysay oo ay u sameysmeen qaab koox siyaasadeed iyagoo aan ku talo gelin, in kastoo laga yaabo in xubnaha kooxda u waaweyn ay arkayeen ama dareensanaayeen samaysanka noocaas ah! 

Markii Cabdi-Raxmaan Faroole ku guuleystay madax-weynenimmada gobolka Puntland ayaa waxaa  markii u  horeysay banaanka u soo baxay magaca kooxda Aaran-Jaan oo aan horay u soo shaac bixin, waxayna kooxda u muuqatay inay kaalin weyn ku leeyihiin siyaasadda dalka gaar ahaan midda Puntland. Waxaa iyadana xusid mudan in madax-weyne Faroole uu markuu ku guuleystay madax-weynenimmada Puntland uu soo dhoweeyay kooxdaas isagoo markaas u arkayay inay yeelan karaan saameyn siyaasadeed oo mug-weyn, wuxuuna shaqaaleysiiyay xubno ka mid ah kooxda, iyadoo waliba xubnaha qaarkood ay ka mid noqdeen golihii xukuumadda. Wixii markaas ka dambeeyay waxay ku taalbsadeen horumar muuqda iyagoo soo jiidanaya siyaasiyiintii waaweynaa ee Puntland, waxayna gaareen heerkii ugu sareeyay xiriirka siyaasdeed ee maamul-goboleedka Puntland muxaafad iyo mucaaradba, waxaana ay muuqdeen ama in badan oo siyaasiyiinta gobolk ah iyo shacabka u arkeen koox wax ku soo kordhin kareysa siyaasadda Puntland iyo midda guud ee dalka.

 Wixii markaas ka dambeeyay Aaran-Jaan waxay balaariyeen dhaqdhaqaaqooda iyo xiriirkooda siyaasadeed ee guud ahaan dalka iyo gaar ahaan Puntland, xubnaha kooxda oo markii horaba u badnaa dad dhaqan marka laga eego xagga dhaqaalaha ayaa haddana badankood waxay muddo kooban ku tallaabsadeen horumar, waxayna noqdeen dad ka dhex muuqda mujtamaca weynaha Puntland dhankii laga eegaba, waxaana ku soo xirmay inta badan siyaasiyiinta gobolka oo u suurto geliyay heerka ay maanta gaareen oo ah inay hor joogsadaan masiirkii siyaasadeed ee dadka reer Puntland! Waxaa cajiib ah waxa lagu sababeeyay in dad la laayo oo magaalo dhan qoryo loo soo qaato oo la xabadeeyo!..waxaa yaab ah in dadkii ay xabbadahoodii dileen ama ku wax yeeloobay xabadahooda aysan kooxdu kaba hadleyn oo ay wali siyaabo kale u kibir hadlayaan!…

Waxaa is weyddiin mudan iyagu wali marna ma garameen?! Iyagu dalka dowlad uma aha, xil ay ummadda u hayaana ma jirin, xizbiyadii is diiwaan kama mid ahayn, shacabkaas bay ka mid ahaayeen!….shacabna dhibaatadiisa iyo cabashada siyaasadeed ee ay qabaan qaabab la yaqaan oo ay xeerarka dowladnimmada casriga u fasaxday baa jira, laakiin waxa Garowe ka hor joogsaday codeynta waxay ahaayeen danbiilayaal aan waxba ka duwaneyn Ciyaal-Weerrada Xamar rogay oo jaakada soo qaatay!… waxabana kama duwana burcad hubaysan oo magaallada ku soo duushay! Waxaa inkaar ka taagantahay dhaqanka siyaasiga Soomaaliyeed ee ah kii maalin xil loo dhiibo inuu u qaato xilkaas inuu gurigooda kala yimid oo mulkigiisa uu yahay! Saykooloji xil-kasnimo yari ku salaysan!…

Ragga hadda afka lagu hayo ee eedaha loo jeedinayo waxaa ugu weyn madax-weynihii hore ee Puntland Cabdi-Raxmaan Seekh Max’ed Faroole oo waliba isagu la leeyahay waa maskaxda ka dambeysa iyo hoggaanka waxa dhacay, waxaana intaas ka daran oo Cabdi-Raxmaan Faroole uu eed ku mudanayaa in isagoo ah Xil-dhibaan Aqalka Sare ka aamusay dhammaan arrimihii ummadda Soomaaliyeed uu ku masali lahaa maadaama uu ahaa oday Soomaaliyeed laguna bartay inuu si furan u difaaco dastuurka dalka u yaala iyo dowladnimmada, waaxaa kale oo uu Faroole gabay kaalintii odeynimo ee uga aaddaneyd difaacii midnimmada dalka oo si muuqata uu dhegaha uga ootay duullaanka ay Muuse Biixi iyo inta la siyaasadda ah ay doonayaan inay dalka ku kala gooyaan Xasan SHiikhii loo dhaariyeyna u uku taageeray!…Aamusnaanta Cabdi-Raxmaan Faroole eek u aaddan xaaladaha dalka ka jira waxay cadeyn u yihiin oo keliya inuu dhibaatooyinka jira raali ka yahay haddii uusan qeyb ka ahayn, oo uu kula socda Ismaaciil Cumar Geele, Xasan SHiikh Max’ud, Muuse Biixi iyo Max’ed Kaahin!…

Xubnaha kale ee soo bareeray, ee sida burcadnimmada ugu  soo duulay dowladdii Puntland ee ay qaarkood xubnaha ka ahaayeen waa waziiro hore ee maamul-goboleedka Puntland Xasan SHire Abgaal, Max’ud Faarax Warsame (Max’ud SHiddo), taliyihii hore ee ciidammada boliiska Puntland Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi-Yare) Col. Jimcaale Jaamac Takar oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka daraawiishta iyo Khadar Cabdi-Raxmaan Faroole, raggaan oo ay qaarkood xeer ilaallinta Puntland u soo jartay warqada lagu amarayo in la soo qabto, ayaa iyaga ilaa iyo hadda ficillada ay geysteen waxay qiil ugu dhigayaan inay ku hor joogsanayeen muddo kororso looga cabsanayo inuu sameeyo madax-weyne Saciid Cabdullaahi Deni!… Cabdi-Wali Cali Gaas, Cumar Cabdi-Rashiid, iyo Cali Xaaji warsame oo si cad u sheegay inay ka soo hor jeedaan doorashada isla markaasna la ra’yi ahaa  iyagu waxay ku gaabsadeen inay cabashadooda muujiyaan!…Jimcaale?! Jimcaale?!… 

Waxaa xusid gaar ah mudan dhaqanka askarinimo iyo xirfadda ciidan ee askariga Soomaaliyeed ineysan ahayn mid gaarsiisan heerkii askerinimo ee lagu yiqiinay askarta Soomaaliyeed ee u dhaartay dadkooda, dalkooda iyo diintooda!…Waxaan xasuusnahay Xasan SHiikh Max’ud oo xilligii Farmaajo isagoo ka faa’ideysanaya xaaladaha burburka iyo xirfad yarida askarenimo ee uu ciidanka dowladaa inuu  fariin u diray Alle ha u naxariistee Gen. Farxaan Jimcaale isagoo leh “Yaan lugaha dhiiqo laguu gelin!” macnaha diid amarka dowladda oo aniga I maqal!…Xaaladda Garowe kaalinta uu ka ciyaaray Col. Jimcaale waa mid aad uu meel uga dhacay dhaqankii askerinimo ee ummaddu ku ammaansatay, isagoo hareer maraya anshixii iyo asluubtii askeri dad iyo dal u adeegaya laga rabay. Waa laga yaabaa in khaladku uu ka bilowday in askarta iyo saraakiisha cusub ee xilliga burburka ku taba bartay aan la barin meesha ay tooganayaan ka hora inta aan la barin inay wax toogtaan!

Jimcaale, wuxuu fahmi waayay inuu yahay askari Soomaaliyeed hubka uu heystana haddii uusan ahayn mid heer federal ah uu yahay hub dowlad goboleed Soomaaliyeed ee uusan shakhsi gaar ah lahayn, wuxuu garan waayay hubkaas inaan amar looga qaadan karin cid ka baxsan dowladda Soomaaliyeed ama dowlad goboleedka, waan midda keentay inuu hubkii ku rido  dadkii ay ahayd in lagu ilaaliyo isaga oo ka amar qaadanaya kooxda loogu magac daray Aaran-Jaan iyo Duqow-Jaan oo aan ahayn qaynuun ahaan kuwo amarkaas isaga siin kara ama ay tahay inuu ka amar qaato!…Sida badanaa askeriga taba-baran ee xariifka ah lagu yaqaano marka  ay jiraan khilaafaad gudaha ah oo noocaan oo kale ah oo uu amar diido sameynayo wuxuu ku mintidaa inuu sugo ammaanka xudduudaha ilaaliyana amniga gudaha iyo nabad gelyada shacabka iyo hantidooda, haddii kale wuxuu u hoggaansamaa sax iyo khaladba cidda ay ummadda wakiilatay oo ah dowladda, taaso ah midda ay mas’uuliyadda ammaanka shacabka saarantahay haddii uusan shacabka ka hor imaan!

Waxaa la ii xaqiijiyay Jimcaale inuu diiday talooyinkii sharciga ahaa iyo kuwii maan-galka ahaaba, oo u uku shaqeyniyay  telefoon ay u soo dirayaan dhowr nin oo xubno kooxda aan la aqoon goorta u uku biiray, isagoo ku tix gelinaya inay hubka iyagu leeyihiin isla markaasna ay soo kireysteen isaga iyo ciidammada la socdaba!…Cajiib! Sidee hubkaas nin aan dowlad ahayn u yeeshay?! SHarcigee baa siinaya?! Wuxuu fahmi waayay si askerinimo ah hubku iyo dhallin yaradaba inay isaga dimaddiisa yihiin oo aysan lahayn kuwo uu amar ka qaadanayo!….Ka waran askeriga Soomaaliyeed shisheeyuhu taba barteen ee dalka kuu dhex fadhiya ee mushaarka ay siiyaan?!….Dowladda federal-ka ah iyo maamullada dowlad goboleeddada sarkiisha ciidammada waxaa waajib ku ah in askeriga la baro lagu imtixaano mas’uuliyadda ka saaran dadka iyo dalka, in la baro Meesha (cadowga) uu tooganayo intaan la barin inuu wax toogto.

Waxaa iyadana jirta caado xun oo ay dhaqan ka dhigteen maamuladii Puntland Soo maray oo ah in madaxda xukunka ka tegeyso ay hubka rarato sidii ay iyagu gaar u leeyihiin. Arrintaas waxay noqotay mid aamusnaan lagu wada aqbalay. Qofka waziirka ah gadiidka ilaaliya iyo askarta muddada xileedkiisa markuu dhammado gurigiisuu geysanayaa, madax-weynaha sidaas si la mid ah! Marka maamulka Saciida Cabdullaahi Deni waa inuu hadda bilaabaa sidii loo heli lahaa nidaam hubka iyo ciidammadaba ay ugu baaqi noqonayaan  maamlka Puntland mar kasta iyo xilli kastaba, waana in la abuuraa xafiis gardaadiya dhaqan gelinta arrintaas oo waliba kor joogteeya.

Madax-weyne Deni, waxaa hor yaala furdaaminta arrimaha taagan, sida ay wax u muuqdaanna huri meyso in madax-weyne Deni ay is hor fariistaan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee daneyniya inay u tartamaan madax-weynenimmada Puntland. Waxaana arrin mucaaradka loogu garaabi karo ah in madax-weynuhu uusan xilligaan furin Dastuurka Puntland, balse arrintaas loogu kaadsho baarlamanka la soo dooran doon iyo xukuumadda cusub ee imaan doonta , iyadoo had iyo goor laga fogaanayo tuhunka ka dhalan kara arrinkaas oo ah in hadba qofka xafiiska jooga uu isaga ku daneysanayo furitaanka dastuurka.  Arrimuhu ma sahlanaan doonaan waqtigana aad buu u koobanyahay, talooyinka qaarkoodna haddii aan si geesinimo ah loo wajihin xalka wuxuu noqonayaa mid fogaada, xalkana wuxuu ku jiraa iyadoo laysla fahmo in waxa laysku hayo uusan jirin qof keliya oo gaar u leh, waxaana run ahaantii aad macquul ugu dhowaa ammaanna mudan talooyinkii ay soo jeediyeen guddigii loo xil saaray xallinta xiisadda Garowe ee uu hor kacayay Daahir Sanweylood. Waxaa iyadana muuqata xiisadda siyaasadeed Garowe ka aloosan, ee wali sii jiitameysa inaan daacad loo abbaarin, balse haddaan degdeg xal looga gaarin uu qiimaheedu ku kici doono Somaliland oo dalka ka go’ada oo waliba Laas-Caanood dib u qabsata!… markaas xaalka Puntland malee!…

Dhanka kale, marka intaas oo dhan laga soo tago haddii ay magaalladii Garowe ay u egtahay magaalo aan hoos immaan maamulka Puntland oo hoos tagata koox burcad ah oo Aaran iyo Duqow Jaan ah, oo dadkii deegaanka xal ka gaari waayay, waa in golaha shacabka uu sharciyeeyaa oo mooshin ka keenaan meeshii ay Dowlad Goboleedka Puntland salka dhigi lahayd oo ay ku shaqeyn lahayd, mana ah in sida Muqdisho xaalku ahaado Goof Dad Gaar ah mar kasta sheeganayaan oo aan laga  guuri karin laguna shaqayn kareyn! Dalka iyo dadku waa mid, dowladana waa in meesheey kalsooni ku qabto degto. 

Madaxweynaha jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo dad badan oo xog-ogaal ah ay ku tilmaameen inuu isagu yahay ninka maal gelinaya waxyaabaha ka dhacay Garowe, islamarkaasna uu taageera aan is bedelin u hayo siyaasadda Muuse Biixi ayaa waxaan shaki ku jirin inuu u bareeray awood inuu wax ku maamulo, wuxuuna dayacay ammaanadii, waxaana durba soo shaac baxay khilaaf siyaasadeed oo uusan maanta shacabka Soomaaliyeed diyaar u ahayn, iyadoo burbur kasta oo maanta dhaca aysan sahlanaan doonin in dib looga soo noqdo!!Doorashada qof iyo codka ah ee ay Puntland hirgelisay waxay ka mudneyd bogaadin, maxaa yeelay markii hore haddii aad ka digay inay doorshadaas Puntland u horseedeyso burbur waxay ahayd inuu raali gelin ka bixiyo isla markaasna bogaadiyo, waxaase muuqata inuusan heerka biseylkaas gaarin, waayo horumarka dadka iyo dalka ayaa iska leh! Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya way dhaqaaqday, Geeddi Caano Leh bay guureysaa oo  lagu  degayo Rug Caano Leh Eebbe Idankii!….

W/Q: Axmed-Yaasiin Maxamed Sooyaan

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.