“Aaway dowladdii 6 billood gudahood DEKEDDA iyo Garoonka KISMAAYO la wareegi laheyd?” Waxaa sidaas yiri…

Kismaayo (Caasimada Online) – Suldaan Faarax Cabdullaahi Duurjoog oo ka mid ah odayaasha magaalada Kismaayo, ayaa ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay soo farageliso, waxna ka qabato heshiis ay dhowaan kala saxiixdeen maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe iyo Ganacsato u dhashay waddana Imaaraadka, heshiiskaas oo uu ku tilmaamay mid lagu xaafulinayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Suldaan Duurjoog wuxuu dowladda Soomaaliya ku eedeeyey in ay dayacday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Jubbooyinka, isaga oo heshiiskii Addisababa lagu gaarayna ku tilmaamay inuu ahaa heshiis xaaraan ah oo dowladdu ay ku wareejisay goboladaasi Kenya & shaqsiyaad uu ku tilmaamay dabodhalif ah.

“Heshiiskaasi xaaranta ah wuxuu dhigayey in 6 billood gudahood dowladda lagu wareejinayo Garoonka iyo Dekadda, Aaway dowladdii la wareegi laheyd 6 billood gudahood Dekaddii iyo Garoonkii Kismaayo.? Faarax C/qaadir waa in diiwaanka taariikhda loogu qoraa inuu yahay ninkii goboladaas ka iibiyey burcadda xaalufisa deegaanka” ayuu yiri Suldaankaasi, wuxuuna ku celiyey in maamulka Axmed Madoobe ay u dhaqmayaan sidii in ey dowladda dhexe ka madax-bannaan yihiin.

“Dowladda dhexe waxaa ceeb iyo weji gabax ku ah in maamul lagu sheegay KMG uu heshiisyo aaney dowladda dhexe ka warqabin la saxiixdo ganacsato ajnabi ah” ayuu yiri Suldaan Faarax, isaga oo intaasina ku sii daray in heshiiskaasi shirkadaha lala saxiixday ay yihiin kuwa burcad ah.

“Kooxda Raaskambooni awal meeshii ay ka dhoofin jireen dhuxusha hadda waxey doonayaan in ay sharciyeystaan, shirkado magac u yaal ah ayeyna heshiis la galeen, arrintaasina waa mid qatar ku ah deegaanka. Hay’adaha badbaadinta bii’ida waa in ay wax ka qabataa xaalufinta ka socota Jubbooyinka, oo ah arrin ay ku heshiiyeen maamulka Raaskambooni & Ganacsatada Imaaraadka” ayuu yiri Suldaan Faarax.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com