Ismaacil Adan oo shirkii qurbta Joogta ee Turkiga ka sheegay arrimo Xasaasi

Paris (Caasimada Online) – Mid ka mid ah la taliyaasha madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay shir la sheegay in loo qabtay qurba joogta Soomaalida ee ku nool caalamka kaasoo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ismaacil Aadan Cismaan oo ka mid ah la taliyaasha madaxweynaha Soomaaliya kuna sugan magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa shirkaas ku tilmaamay mid looga gun lahaa in dhaqaale lagu aruursado isagoona intaas ku daray in ay ka qeybgaleen dad is soo aruursaday oo mashruuc gaar ah watay.

“Shirkan wuxuu ahaa mid mashruuc lagu doonayay oo waxaa watay dad gaar ah oo rabay in dhaqaale ka aruursadaan oo marka xaqiiqda loo hadlo kama soo qeybgalin shirka dadka qurba joogta ee adduunyada ku nool” ayuu yiri Ismaacil Aadan Cismaan.

Wuxuu sheegay oo kale in shirka ay wateen dad gaar ah oo is-bar yaqaana kuwaasoo rabay in ay dhaqaale ka qaataan dalalka caalamka sidda Turkiga oo bixisay dhaqaalaha ku baxay shirkan.

Wuxuu sheegay oo kale in uu hayo caddeen muujineysa in dhammaan dadka ka qeybgalay shirka ay ahaayeen NGO-yo la bar yaqaano oo siddaas ku qaraabta.

Marka laga soo tago hadalka mas’uulkan ma jirto cid caddeen karta in shirka ay ka qeybgaleen dad dano gaar ah leh, balse waxaa warbaahinta goobjooga ka ahayd shirka ay lee yihiin waxaa ka qeybgalay in ka badan 100 qof oo Soomaali ah kuwaasoo waddamada qurbaha ku nool.

Shirka oo la soo gabagabeeyay shaley ayaa socday muddo labo cisho ah waxaana ka soo baxay gabagabadiisa lagu doortay labo nin oo kala ah, Cabdi Xariir Baaruud oo ah guddoomiyaha dalad Somalia Diaspora Organization iyo Sadiiq Warfaa oo isna guddoomiye ku-xigeen loo doortay.

Labadan nin ayaa kala deggan Britain iyo Maraykanka, waxaana loo arkay in ay mudan yihiin in ay hoggaamiyaan daladan ay ku mideesan yihiin qurba joogta Soomaaliyeed, sidda uu soo sheegay wariyaya Caasimada Online ee shirka ka qeybgalay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com