Hehsiiskii DF Soomaaliya iyo Shell oo ay dhinacyo kale mucaaradeen (Aqri)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Gal-Mudug, ayaa kasoo horjeestay heshiis dowladda federaalka Soomaaliya ay la gaartay shirkadda Shell Petroleum ee shidaalka oo la xiriiray shidaal laga baarayo Soomaaliya.

Warsaxaafadeed uu soo saaray maamulkaas oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, ayaa u qornaan sidan:-

War Saxaafadeed

Waxaa na soo gaaray in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay heshiis kula gashay   Magaalada Hague ee dalka Holland Shirkad lagu magacaabo  Shell Petroleum si ay shidaal oga baarto dhulka ay ka taliso Dowladda Galmudug, taasoo si xoog leh Dowladda Galmudug uga soo hor jeedo, maxaa yeelay Dowladda Fadaraalku dalka Soomaaliya kama wada taliso, islamarkaasna ma lahan shuruuc la isku raacsan yahay oo ku saabsan hannaanka dowladnimo, qaybsiga khayraadka .

Sidaas awgeed, Dowladda Fadaraalku awood uma leh xiligan in ay ku marti qaaddo shirkado shisheeye oo shidaal ka baara dalka Soomaaliya oo dhan waayo hadda waxaa dalka Soomaaliya ka jira dhowr dowladood oo iyagu iskood isku maamula, Galmudugna kuwaas, ama dowladahaas iskood isku maamula bey kamid tahay.

Galmudug waxay leedahay nidaam iyo shuruuc sharciyeed ay samaysatay, wixii khayraad ku jira dhulka Galmudug waxaa iska leh shacabka Galmudug, inta laga gaarayo Soomaaliya oo samaysata hannaan dowladnimo oo la isku raacsan yahay iyo hannaankii loo wadaagi lahaa khayraadka dalka Somalia oo dhan.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay oga digeysaa shirkadaha shisheeye oo baara khayraadka, sida saliidda iyo gaaska,macdanta  iwm, in ay si sharci daro ku yimaadaan cariga Dowladda Galmudug ka taliso,  iyagoo hadafkoodu yahay baaritaan khayraad iyagoon fasax iyo ogolaansho ka haysan Dowladda Galmudug.

DHAMAAD 

Mudane Xareed Cali Xareed

Wasiirka Batroolka, Macdanta, Tamarta iyo Biyaha,

Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com