“Villa Somalia waxaa u sarreeya Prof. Geedi, Shadoor ayaan ugu hooseeya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Abshir Maxamed Aadan, Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta ee Maamulka Galmudug, ayaa si kulul u weeraray Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Abshir Maxamed Aadan, ayaa sheegaaya in Madaxweynaha Somaliya uu la deris noqday nin jecleysi, halkii looga baahnaa in uu noqdo nin Qaran, si guudna ugu wada adeego Ummada Somaliyeed.

“Xasan Sheekh Maxamuud halkii uu ka noqon lahaa nin Qaran, wuxuu hadda bilaabay in uu dib ugu laabto arrimo qabiil, wuxuu Madaxtooyada isugu keenay dhammaan jufadiisa.” ayuu yiri Abshir Maxamed Aadan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ragga xilligaan ka hawlgala Villa Somalia uu kan ugu sareeyo yahay Cali Maxamed Geedi, halka midka ugu hooseeyana uu yahay Shadoor Xaaji Shadoor, sida uu yiri.

“Villa Somalia waxa jooggo waxaa ugu sareeya Cali Geedi, oo ah La taliyaha Madaxweynaha, Shadoor Xaaji Shadoor baana ugu hooseeyo. Dhammaan waa jufada Madaxweynaha.” ayuu si adag u yiri.

Wuxuu kaloo iftiimiyay in Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Cali Maxamed Geedi, laga jooggi kari waayay Magaalada Muqdisho, mucaaradnimadii uu ku haayay Dowladda, laakiin aan laga fileynin Madaxweynaha in uu dhaqaalo siiyo, deetana uu safarada ku wehliyo.

“Geedi oo aan Magaalada Muqdisho ka jooggi weynay, kana soo nac nacleen jiray Magaalada Nairobi, inta Xamar la keeno lacag siiyo, uuna saarnaado gaarigii Madaxweynaha, wax laga filaayay maaha.” ayuu markale yiri.

Abshir Maxamed, ayaa Madaxweynaha Somaliya ugu baaqay in uu wax ka bedelo hab dhaqankiisa, kana gudbo nidaamka ku saleysan nin jecleysiga, isla-markaana uu muujiyo daacadnimo uu ugu adeegaayo shacbigiisa.

Caasimada Online
Xafiiskii Muqdisho
Caasimada@live.com