Aaway kaalinta Turkiga ee Kismaayo?‏

By Asad Cabdullahi Mataan

Kadib booqashadii uu RW Turkiga Rajab Dayib Ordogan ku yimid caasimada Muqdisho 19 Agosto 2011 waxaa isa soo tarayay kaalinta Turkiga ee Soomaaliya, kadib boqashadaas Soomaalida ku nool gudaha iyo dibadaba waxay noqotay mid ay aad ugu faanaan, Turkigana waxa uu noqday saaxiibka kaliya muslimka ah ee Soomaaliya, booqashada RW Ordogan waxay ahayd mid ku dayasho mudan islamarkaasna waxa uu kusoo wareegay qaybo farabadan oo magaalada ah isagoona soo booqday Isbitaalada iyo Kaamamka ay ku noolaayeen dadkii kasoo cararay abaaraha.

Ordogaan ayaa 20 sano kadib markii ugu horeesay waxa uu safiir usoo magacaabay Muqdisho isla maalinkaas ayuuna madaxweynihii hore KMG Shiikh Shariif ka gudoomay warqadaha aqoonsiga taasoona calaamad u ahayd walaalnimada iyo taageerada uu noo muujiyay Turkiga.

Dhanka kale 12 hay’adood oo isugu jira kuwo Dowlada Turkiga kasocda iyo kuwo kaloo gaar loo leeyahay ayaa waxay kahowl bilaabeen magaalada Muqdisho, Ordogaan ayaa sidoo kale sheegay in tabarucaad ay iska soo aruuriyeen shacabka turkiga islamarkaasna ay ugu talo galeen walaalahood dhibaateeysan ee Soomaaliya ay gaareeysay 250 milyan oo doolaar.

Turkiga sidoo kale waxa uu Muqdisho kafurtay xafiis Horumarineed kaasoo kashaqeeya horumarinta Caasimada Muqdisho iyo hay’adaha Doowlada, sidokale waxa uu bilaabay duulaamdka diyaarada TURKISH AIRLINE taasoo si toos ah duulimaadkeeda uga bilaawday Muqdisho to Stanbul.

Kumanaan arday Soomaali ah ayay doowlada Turkiga siisay waxbarasho bilaash ah oo lacag la’aan ah kuwaasoo dalbaday kuliyado iyo taqasusyo kala duwan, sidoo kale Turkiga waxa uu Muqdisho kafuray Iskuulo lagu barto luqada Turkiga iyo maadooyinka aas aasiga ah, waxaa kaloo jirtay in dhanka caafimaadka iyo nadaafada caasimadana uu gacan weyn ka gaystay waxayna fureen Isbitaal weyn oo ay ka faa’iideystaan dad aad ufarabadan una badan kuwa tabarta daran.

Turkiga waxay Soomaaliya u muujiyeen kalsooni walaaltinimo ku dheehantahay, waxay cabireen niyadooda iyo ineey doonayaan in mashaariic farabadan oo gorumarineed ay kahir galiyaan Soomaaliya sanadaha soo aadan, sida horu marinta dhanka waxbarashada, caafimaadka, dhaqalaha, waxaana intaasoo dhan kamuhiimsan ayna balanq aadeen ineey ka qayb qaadan doonaan dib udhiska ciidamada Soomaaliya.

Kaalmooyinkaas iyo mashaariicdaas aan kor kusoo xusnay kaliya waxay qayb kayihiin mashaariic farabadan oo laga fuliyay qayb yar kuna kobaan caasimada Muqdisho iyo hareeraheeda.

Muqdisho waa caasimada Soomaliya waana calosha wadanka wayna uqalantaa intaas iyo in kabadan, wayna ku mahadsanyihiin dowladaha gacanta ka gaystay gargaarida shacabka kusoo barakacay ee kasoo cararay abaaraha iyo mashaariicda ay kafuliyeen, laakiin waxaan leenahay Soomaaliya waa wadan weyn Muqdishana waa qayb yar oo kamid ah.

Dadka ka barakacay magaalo xeebeedka Kismaayo waxaa haysato dhibaato iyo nolol aad u adag, marka loo fiiriyo hay’adaha Gar gaarka oo aan ilaa iyo hada gaarin halkaas.

Hay’adaha dowliga ah iyo Turkigaba ayaa waxaa si dhaqso ah looga dalbanayaa ineey gaaraan shacabka dhibaateeysan ee isaga cararay dhibaatooyinka ka taagan Kismaayo, islamarkaasna ay yareeyaan dhibaatooyinka nololeed ee sii kordhaya maalinba maalinka kadanbeeya, si shacabka reer Kismaayo ay iyagana uhelaan nasiibkooda ku aadan doorka turkiga iyo kaalmadoodaba.