Abaabulka dagaal xooggan oo si wada jir ah uga socda saddex maamul goboleed

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa ku sii baahaya Gobollada iyo Maamul Goboleedyada Dalka, iyadoo weli socdaan abaabulka ciidamada maamul Goboleedyo hor leh.

Jubbaland ayaa la sheegay inay ku jirto diyaar garowgii ugu danbeeyay ee dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana dhowaan uu madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam shaaciyey inuu dagaalku ka bilaabanayo degaanada Jubbaland, kadib sanado ay difaac ahaayeen.

Dhinaca kale Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilowday degaanada maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka amniga Koonfur Galbed Maxamed Isaaq Cabdi iyo mas’uuliyiin kormeer ugu tegay ciidanka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay in maamulku uu u diyaar garoobay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kana bilaaban doono Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale waxaa Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Maxaas ka socda diyaar garow cusub oo lagu doonayo in dib loogu qabsado deganaadii ay habeen hore banneeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee Moqokori iyo Yasooman.

Waxaa kaloo Muqdisho laga dareemay diyaar garowga beelaha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu wado inay maalmaha soo socda ku biiraan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale weli socda abaabulka duulaan ka dhan ah Al-Shabaabka haysta Ceel-buur, oo la doonayey in dagaal lagu qaado toddobaadkii tegay balse uu dib u dhac ku yimid. 

Abaabulkan ayaa imanaya ayada dhowrkii maalmood ee tegay uu hakad yar ku yimid kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab oo tan iyo markii uu billowday deegaano badan looga qabsaday kooxdas.

Al-Shabaab ayaa Jimcihii qarax ku dishay taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, taasi oo mas’uuliyiinta dowladda ay sheegeen inay kusii dhiiri-gelineyso un inay dagaalka sii xoojiyaan.