Xasan Sheekh oo weerar ku qaaday ganacsatada lacagta siisa Al-Shabaab (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si faahfaahsan uga hadlay ganacsatada lacagta siisa kooxda Al-Shabaab xilli uu ka qeybgalayey janaasada Allaha u naxariistee Farxaan Qaroole.

“Midaa Al-Shabaab beeso ula dhuumanayo, taleefoonaa loo soo diraa waa cabsanaa uu leeyahay, kaas wuxuu ka dhintay caqiiddada sababtoo ah wuxuu aaminsan yahay inuu waqtigii uu dhiman lahaa kasoo hormarayo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ay carro ka muuqatay.

Wuxuu hadalkiis kusii daray “Ama Shabaab lacag ula guurguuro ama qori qaado maalintii laguu qoray kaliya ayaa dhimaneysaa, inaad qori qaadato darteed dhimashadaada uma soo hormareyso, inaad lacag ula guurguurato Al-Shabaab darteedna dhimashadaada dib uma dhigeyso.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay inaysan jirin cid waqtigeeda dhimashada kasoo hormareyso, sidaas darteedna wuxuu ku baaqay in la iska dhiciyo Al-Shabaab.

“Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan cadow waa hal, cadowga maanta waa Shabaab, waa Shabaabka dadka qaraxyada ku laayo oo ay ugu dambeysay midkii Hotel Xayaat, Al-Shabaab bis mas’uuliyadda malahan, wiilasha Shabaab qaraxyada u fuliyo taajiriin maahan, kii qaraxa sameeyey dambiile ah kii lacagta bixiyey dambiile ma ahan yaa waaye cidda caqliga leh ee loo sheegayo,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan.

Wuxuu kusii daray “Kan lacagta bixinaya ayaa dambiile weyn ah oo ka daran kan qaraxa sameynaya, sababtoo ah haddii aadan lacagta siin laheyn qarax ma sameeyeen, dambiilaya koowaad waa kan lacagta bixinaya, nolosha Ilaahaa haya Abuu hebel iyo Abuu hebel ma hayaan.”

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dadka lacagta siinaya Al-Shabaab aysan naftooda ku badbaadin karin inay bixiyaan lacag lagu dilayo kumanaan Soomaali ah.

Hadalka madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kusoo aadayo xilli ay dowladda Soomaaliya wado dadaal looga hortagayo ganacsatada lacagta siiso kooxda Al-Shabaab.