Abaalka Farmaajo oo lagu tijaabinayo kursiga Muudey oo uu dagaal ku hayo Fahad

Baraawe (Caasimada Online) – Magaalada Baraawe waxaa ka socdo boob diiwaanka geli doono oo la xiriira doorashada Soomaaliya. 26-kii kursi ee baarlamaanka Soomaaliya ee taalay magaalada Baraawe waxaa illaa hadda la doortay 13 kursi, waxaana dhiman 13 kale oo liiskooda la shaaciyey.

Wajigii koowaad ee doorashada Baraawe lagu doortay 8-kursi ayaa la tuuray dadkii horay ugu fadhiyey 4-na waa lasoo celiyey xubniii horey u heystay, hal kursina wuxuu ahaa mid uu dhintay xildhibaankii ku fadhiyey.

13-ka Kursi ee dhiman waxaa ku jira kursiga sida weyn isha loogu wada hayo ee HOPP#145, kaas oo uu ku fadhiyo guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee golihii shacabka ee baarlamaankii 10-aad Cabdiweli Ibraahim Muudey.

Sida aan xogta ku heleyno culeys badan ayaa la saaray kursiga Muudey, Lafta Gareen ayaa ka caga jiiday inuu Muudey siiyo kursiga, dhawaan ayaa lasoo saari doonaa jadwalka 13-ka kursi ee dhiman iyo musharixiinta isku diiwaan gelisay, waxaana laga cabsi qabaa in Muudey laga reebo liiska.

Sida ay ku warameen ilo muhiim ah waxaa Cabdiweli Muudey ku dhagan Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ujeedka uu Fahad Yaasiin u diidan yahay Muudey waxaa lagu sheegay damaca Fahad ee guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaa Shacabka baarlamaanka 11-aad.

Fahad Yaasiin maalmahaan wuxuu ka shaqeeyaa inuu xildhibaan soo noqdo, kadibna uu noqdo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Waxaa la sheegay inuu Fahad aaminsan yahay in haddii uu Muudey soo laabto inay adkaan karto inuu qaato kursiga guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka.

Ilaha aan la hadalnay waxay sheegeen in la rabo in kursiga Muudey la siiyo nin la yiraahdo Cabdullaahi Maxamed Sheekh ama sida Dadka qaarkood u yaqaanaan Maxamed-Weli Cabdullaahi Sheekh. Waa Nin qurba joog ah oo ka yimid wadanka Australia.

Fahad Yaasiin iyo Lafta Gareen waxaa la sheegay inay heshiis ku yihiin arrinta Ninkaan. Cabdiweli Muudey wuxuu shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa mid fuliya wax walba oo nidaamka Farmaajo uu rabo.

Wuxuu kooxda Farmaajo u qabtay shaqadii ugu weyneyd oo aheyd in Jawaari mooshin laga qabto, cadaadisna lagu saaro inuu is casilo.

Ajandayaal badan oo golaha Shacabka la keenay ayuu Muudey u dhigay sida uu Farmaajo rabay. Markii ay Mursal iyo Farmaajo is qabteen wuxuu ahaa Ninkii ka shaqeeyey inuu isku soo celiyo.

Shantii Sano waxay uga dhammaatay isagoo ah wakiil daacad ah oo ay Farmaajo ku leedahay Golaha Shacabka, laakiin 5 sano kadib kursigiisii ayaa maanta loo diidan yahay.

Waxaa loo diiday inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isaga oo ku sii jeeday Baraawe, si uu ugu tartamo kursiga uu ku fadhiyo oo loo xiray Maxamedweli C/llaahi Sheekh oo reer Australia ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isku dayga lagu celiyay C/weli Muudey uu ka dambeeyo La-Taliyaha Amniya Qaranka Fahad Yaasiin oo quudareynaya inuu tartamo booska Guddoomiye kuxigeenka 1aad.

Inkastoo la sheegay inuusan Farmaajo diideen Muudey, haddana waxaa la fahamsan yahay in uusan wax shaqo ah iska gelin inuu difaaco.

Maalmahaan waxaa Kuraastii Golaha Shacabka laga eryaday Dad badan oo Farmaajo la shaqeenayey mudadii uu xafiiska joogay. Qaar si aan leex leex laheyn u caddeysan jiray inay isaga 100% taageersan yihiin oo dartiis Dad kale u colaadiyey ayuu Farmaajo la yimid Dadkii lagu badali lahaa, taas oo dad badan ku qasabtay inay shaki geliyeen inuu Farmaajo yahay Nin garanaya abaalka siyaasadda.

Hadda waa Kursigii Muudey kaas oo abaal siyaasadeed xooggan ku leh Farmaajo, waxayna Dad badan leeyihiin kursigaan waa midka lagu baran doono inuu Farmaajo yahay Nin abaal siyaasadeed leh.

Waxaa laga wada dharagsan yahay in Laftagareen uu 100% ku shaqeeyo rabitaanka Farmaajo, sidaas darteed Dad badan waxay leeyihiin Farmaajo waa awoodaa inuu Kursiga Muudey ka celiyo Fahad iyo Laftagareen.