General Dhaga Badan oo u digay Ciidamada DF ee Jowhar

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeeda Cabdi kariin Yuusuf Aadan dhaga badan ayaa ugu digay ciidamada Dowlada soomaaliya ee dhawaan la wareegay Jowhar inaysan dareeska ciidanka dowlada dadka ku waxyeelayn.

Dhaga Badan oo ka hadlayay Jowhar xili deeq la gaarsiinayay ciidamada huwanta ayaa waxaa uu la dar daarmay in Askarta Dowlada ee jooga cirifka hore iyo kan dambe ee Jowhar.

Abaanduulaha ayaa ugu digay in shacabka Beeralayda ah aysan  dhibaato u gaysan Islamarkaan ay dhulka ay la galin sharafta uu leeyahay Labiska ay xeran yihiin.

Ma ahan buu yiri in dareeska Askarta marka ay dadka arkaan ay ka cararaan hasa ahaatee loo baahan yahay in loo soo cararo waxaana warkaan uu yimid iyadoo Meelihii ay ciidamada qabsadeen ay dhibaato ka gaystaan.

Ugu dambay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa laga hergeliyay Maxkamada Dacwada taas lagu qaadayo dacwadaha.