KASHIFAAD: Burburin xoogan oo ku socota wasaarada arrimaha dibedda Somalia + Kaalinta Fowsiya

Sidii Dawladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u dhacdey, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somalia waxey aheyd Wasaaradda ugu ceymo fiican sababtuna waxey aheyd waxaa jirey diplomasiyiin fara badan oo si fiican u mathala Dawladda Somalia danaheeda caalamiga ah.

Maadaama safiiro badan oo Somali ah ay muddo dheer sii joogeen dalalkii ay ka shaqeynayeen, safiiradaas waxey kasbadeen kalsoonida dalalkii ay safiirka ka ahaayeen; sida safiirka Kuwait, safiirka Saudi Arabia iyo safiirka Masar. Dhanka kale waxaa jira safiiro dayacey dantii iyo hantidii dalku lahaa; qaar safiiradda ka mid ah ayaa guryihii dawladda iibsadey; qaar kalena waxey ka kireysteen ururo dhaqan-xun; qaar kale waxey iibsadeen taargooyinkii baabuurta diploomasiga ah ee Somalia oo waxaa dad ajnabi ah ku wataan dalalka ay safiirka ka yihiin; qaar kalena waxey safaaraddii ka dhigteen shirkad ay iska leeyihiin oo kale.

Isku soo duub, dhib kasta oo safaaradaha ka jirta, waxaa badnaa safiiro si hufan oo wadaninimo leh u gudan jirey shaqadooda, una difaaci jirey danaha ummadda Somaliyeed. Taasna waxey dhalisey in Somalia sii ahaatey dawlad ka muuqata maxfalada caalamiga ah.

Maamuladii soo marey Somalia tan iyo intii dawladdii Madaxweyne Maxamed Siyad Barre ka danbeysey, waxey fahmeen qiimiga ay leeyihiin safiirada Somalia, waxeyna ka xishoodeen iney bedelaan ama wax dhib ah u geystaan; ayagoon wax dhaqaale ah uheyn, balse aan xittaa mushaar siin 22-dii sano oo la soo dhaafey.

Dawladda Madaxweyne Hassan Shekh waxey Wasiirka Arrimaha Dibedda u magacawdey Haweeney Somaliyeed oo aan wax khibrad ah u laheyn siyaasadda arrimaha dibedda. Haweeneydaan taariikhdeeda maqaalka labaad ayaan si tafaftiran uga soo sheekeyn doonaa waayo waxey nala degeneyd LONDON.

Wasiiraddu waxey hadiiba bilawdey iney faraha la gasho dhammaan safaaradaha, waxey amar ku bixisey in dhammaan in ka badan 300 oo diplomaasi ay soo galaan Xamar; waxey amartey in dhammaan safaaradaha la soo xiro; waxey sameysey guddi uu madax u yahey Safiir Yusuf Dheeg oo ah nin Somaliland u adeega oo ka shaqeeya baa’bi’inta Somalia. Yusuf Dheeg waxaa u qorsheysan inuu dhammaan safiirada iyo qunsuliyadaha wax-ku-oolka-ah ka takhaluso oo uu ku bedelo dad aan khibrad laheyn si siyaasadda Somalia u dhammaato oo dhinicii kaliya oo u noolaa Somalia laga tirtiro.

Yusuf Dheeg iyo Wasiiraddu waxey heshiis ku yihiin sidii loogu adeegi lahaa Somaliland. Muddo aan fogeyn ka hor waxey Wasiiraddu u tartameysey Madaxtinimada Somaliland. Waxaa la yaab leh sababta loogu dhiibey iney hogaamiso siyaasadda Somalia.

Shirkii dawladaha Islaamka oo ka dhacey Djibouti (Jabuuti) waxaan kala kulmey dhawr masuul oo Carab ah, waxeyna iweydiiyeen Somalia raggii miyaa ka dhamaadey? Sidee qof dumar ah uga dhigteen Wasiirka Arrimaha Dibedda? Miyeydaan ogeyn in dhammaan dawladaha Islamku ay arrintaas ka xumaadeen? Xaggeese u dirsaneysaan waayo wasiir muslim ah oo la kulmaya ma leh?

Waxaa Xamar ka bilawdey qorshe lagu tirtirayo wixii wanaag ahaa oo ku harey safaaradaha Somalia oo dhan. Mashaakilka Somalia ka jira oo farihii ka batey awgeed, Madaxweynaha Somalia arrintaani waa ka hoos baxdey.

Madaxweynaha Somalia waxaan ku baraarujineynaa inuu si fiican ula socdo qorshaha lagu maleegayo sidii loo tirtiri lahaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somalia iyo diploomaasiyiinta khibradda dheer u leh.

Ugu danbeyntii, in ka badan 74 diploomaasi ayaa waxey la heshiiyeen lawyers caalami ah oo xuquuqda diploomaasiyiinta caawiya, waxeyna ka codsadeen iney xuquuqdooda ka daafacaan dawladda Somalia. Diploomaasiyiintu waxey ku doodayaan:

1- In aan mushaar la siin 21 sano oo la soo dhaafey;

2- In aan la siin kharashaad kale oo fara badan oo ay xaq u lahaayeen;

3- In lagu amrey iney Xamar soo galaan ayadoon loo heyn hooy nabad ah oo ay degaan, nabadgelyadooduna khatar galeyso;

4- In lagu talo jiro in shaqooyinka laga qaado, xaq la’aan la ruqseeyo.

Haddaba haddii uusan Madaxweynuhu arrintaan si fiican wax uga qaban waxaa dhici karta in uu ku dhaco hog loogu talo galey dawladdiisa.

Adduunka oo dhan waligeed kama dhicin in hal mar la soo wada xereeyo dhammaan diploomaasiyiinta dalka u wada shaqeysa. Taasin waxey kuu caddeyneysaa qorshaha lagu cirib tirayo siyaasadda arrimaha dibedda ee Somalia oo ay ka danbeeyaan Wasiiradda iyo Yusuf Dheeg.

Qoraalkeyga labaad waxaan ku soo qaadi doonaa taariikhda Wasiiradda iyo famiilkeeda, khaas ahaan aabaheed. Sidoo kale, waxaan si fiican uga soo faaloon doonaa mudadii ay LONDON ku nooleyd.

Ugu danbeyntii, diplomacy kasta oo Somali ah oo dhib ka tirsanaya Dawladda Somalia, waxaan ku guubaabinayaa inuu emailkaan igala soo xiriiro, asagoo si detailed ah usoo qoraya dhibta uu tirsanayo; oo ka bixinaya FACTS cad oo la taaban karo. Waxaan u gudbineynaa urur lawyers ah oo caalami ah oo lacag la’aan arrintooda ugu dacwoonaya. Sidoo kale waxaan ka digeynaa in aan wax BEEN ah naloo soo qorin waayo diplomaasigii dacwad been ah soo qora asaga ayaa dacwadu ku soo noqoneysaa.

Ahmed Warsame

LONDON, United Kingdom