Abaanduulihii militariga Somaliland ee isku dhiibay SSC oo bixiyey xogo xasaasi ah

Laascaanood (Caasimada Online) – Jeneraal Saleebaan Barre Geesood, oo ahaa taliye ku xigeenkii militeriga Somaliland ayaa sheegay inuu kasoo baxay gabi ahaan ciidamada Somaliland, oo uu haatan ku sugan yahay magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in dhibaatada heysata uu la qeybsa doono dadkiisa reer Sool.

“Laascaanood illaa 6-dii bishii February, ee sanadkaan 2023-ka. Waxaa ka socday dagaal, kaas oo u dhaxeeyey dadka reer Sool iyo ciidamada Somaliland, dagaalkaas wuxuu sababay khasaare aad u fara badan, oo naf iyo maalba leh,” ayuu yiri.

Taliyaha oo wareysigaan siiyey BBC ayaa sheegay in marar kala duwan uu madaxda Somaliland kala hadlay in dadka Laascaanood aan dagaal lagu qaadin, maaddaama ay yihiin buu yiri dad ay iyagu xukumaan.

“Dad badani inay ku dhinteen, oo ay dad badani ku dhaawacmeen, magaalada in la duqeeyey, oo burbur hantiyeed oo fara badani uu ka dhacay, magaalo dhan oo dadkii daganaa ay ka qaxeen, oo 90% ay ka maqan yihiin, ayaa igu kaliftay in dadkii aan kasoo jeeday aan dareenka la qeybsado, intaas ayaan uga soo tagay Somaliland,” ayuu yiri Janankaan soo goostay.

Wuxuu sheegay in dadaal kasta uu ku bixiyey in Somaliland ay duulaanka ka joojiso dadkiisa, balse waxaba laga dhageysan waayey, “Waxaan go’aansaday inaan kasoo baxo halkaas, oo ciidanka Somaliland aana kasii mid ahaan, dadkayga ayaan u imid, waxaana la qeybsa doonaan dhibka ay ku jiraan,” ayuu yiri Jeneraal Geeesood.

Sarreeye Guuto Saleebaan Barre Geesood, ayaa tilmaamay in muddo ku dhaw lix bilood uu ka war sugayey bal si un in loo xaliyo dagaalka Laascaanood, taas oo uu sheegay inay wax kasoo naasa cadaa waayeen.

Markii la weydiiyey sida uu uga soo baxsaday ciidamada Somaliland wuxuu sheegay in markii hore uu u baxsaday dhinaca magaalada Jigjiga, kadibna uu marin kasii dhigtay Buuhoodle, si uu u gaaro Laascaanood, oo uu hadda uu joogo.

Dhanka kale dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayaa taliyaha u wareygistiisa dhanka ciidanka ka dagaalamaya Sool ku macneeyey inuu iyaga markii horaba ku matalayey Somaliland, haatanna uu dhankooda kaga soo biiri doono dagaalka, oo iyaga uu la safan doono.

Wuxuu sheegay in afar maalmood ka hor uu ka soo baxay ciidanka Somaliland, isagoo cadeeyey in maamulkii ka sareeyey uu ku war-geliyey inuu isaga tegayo shaqada ciidanka.

Ciidankii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayuu sheegay inuu ka tirsanaa jiray, sidoo kale 10-kii sano ee lasoo dhaafay wuxuu sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Somaliland, sanadkii 1998-dii, wuxuu sheegay inuu lasoo shaqeeyey ciidamada Puntland, isagoo kasoo noqday taliyaha nabad sugidda iyo sirdoonka.

Janankaas ka soo goostay Somaliland eek u biiray ciidamada SSC ee Somaliland kula dagaalamaya gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood wuxuu sheegay in  ciidankii burburay ee xoogga Soomaaliya uu ku biiray sanadkii 1973-kii, wuxuuna tababarkii ugu horeeyey ku qaatay kuliyaddii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.