DF oo qirasho ka sameysay WEERARKII Masagawaay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada askarta lagu dilay weerarkii ay toddobaadkii tegay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud,

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerarkaas kaga dhinteen 9 askari, balse Al-Shabaab ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen, oo gaaraya illaa 150 dhimasho ah.

Wasiir Al-Cadaalla oo la hadlayay TV-ga Universal ayaa sidoo kale beeniyay inay Al-Shabaab hub iyo gaadiid dagaal kaga furteen ciidanka dowladda weerarkii Masagawaay.

Wasiir Al-Caddaala wuxuu sheegay hubka iyo gaadiidka ay soo bandhigeen Alshabaab inay yihiin kuwo been abuur ay dadka ku jahwareerinayaan. Wuxuu sheegay hubkaas iyo gaadiidkaas inay yihiin kuwo horey Al-Shabaab u qabsadeen.

“Baabuurtaa hadda ma aha. Sawiraddaasna hadda ma aha. Waa wax la isku sameeyay. Maxay hubka ugu kor hadli waayeen markii ay qabsadeen. Maxaynan calaamadaha Masagawaa dadka ugusoo bandhigin, ileen waala yaqaanaaye,” ayuu yiri wasiir Alcaddaala.

Dhinaca kale, wasiir ku xigeenka warfaafinta wuxuu sheegay dowladdu in aysan joojin dagaaladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab. Wuxuu sheegay weli inay socdaan oo dhul badan la xoreeyay.