Muqdisho: Maxkamad xukun ku riday 36 ajnabi ah + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun adag ku ridday illaa 36 ajaaniib kallummeysato ah, kuwaas oo lagu helay inay xeebaha dalka Soomaaliya ka wadeen kalluumeysi sharci darri ah oo kol hore lagu soo qabtay.

Maxkamadeynta raggan ayaa waxaa fadhiyo kala duwan ka yeelatay maxkamadda oo saddex jeer dhageysatay dacawaddooda, halkaas la isku dhaafsaday soo jeedinta eedeymo ka yimid xafiiska xeer ilaalinta iyo difaaca qareenadii u doodayey eedeysanayaasha.

Ajaanibtaan ayaa u kala dhalatay dalalka Iran iyo Pakistan, waxaana laga soo qabtay xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Saalax Dabaan 36 nin ayaa waxaa lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan midkiiba 297 milyan oo Shilin Soomaali ah, una dhiganta 11 kun oo dollar, taas oo wadartooda ay noqoneyso $396 kun.

Sidoo kale waxaa lagu ridday $30 kun oo magdhow ah, taas oo ah kalluunkii ay ka qaateen xeebaha Soomaaliya, isla-markaana la geeyay dalka Cumaan, 29-11-2022-kii.

Guddoomiye Saalax Dabaan ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay la wareegtay laba doomood iyo qalabkooda, kuwaas oo ay wateen ajaaniibta la xukumay.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in xukunsanayaasha ay haystaan fursad kale oo ay racfaan uga qaadan karaan xukunka maxkamadda, haddii aysan ku qanacsaneyn go’aanka.

“Xukunkan ciddii aan ku qancin waxaa u furan racfaan ku siman inta sharciga uu tilmaamay. xukunkan waa la gaaray maanta oo ay taariikhdu tahay 06-06-2023-ka, wa billaahi towfiiq,” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Dabaan.