Shan DAL oo war cusub ka soo saaray Soomaaliya

Dooxa (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka, Britain, Turkiga, Imaaraadka iyo Qatar ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda Soomaaliya, kadib markii ay Isniintii kulankoodii saddexaad ku yeesheen magaalada Dooxa ee caasimada waddanka Qatar.

Shantan dal oo Soomaaliya taageera ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saareen saddex arrimood oo kal ah amniga, siyaasadda iyo bani’aadminimada.

Sidoo kale wakiilada ka kala socday dalalkan ayaa sheegay inay taageerayaan horumarka ay dowladda federaalka ka sameysay ammaanka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo soo dhoweeyeen go’aanadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aadan in la kordhiyo dadaalada dib u heshiisiinta siyaasadda iyo in la kala xadeeyo mas’uuliyaadka hay’adaha dowladda.

Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka:

Wakiilo ka  kala socda Soomaaliya, Qatar, Imaaraatka carabta, Turkiga, Britain iyo Mareykanka ayaa maanta oo isniin ah June 2023 kulankoodii seddexaad ku qaatay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar, waxayna ka wadahadleen  xaaladda Soomaaliya, si gaar arrimaha amniga, siyaasadda iyo bani’aadminimada

Saaxibaadan kulmay waxa ay hoostaga ka xariiqeen in dowladda  dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku taageerayaan  horumarka amniga, iyo xasiloonida. Waxaa kale oo kulanka looga  dooday sida kor loogu qaadi karo kalsooni dhiska, xoojinta hay’adaha dowliga iyo isku xirka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta argagixisada ah iyo kaalmada caalamiga ah ee dhinaca amniga.

Waxa ay soo dhoweeyeen ka go’naanta dowladda Soomaaliya in ay xoojiso hay’adaheeda amniga, u diyaar garowga in ciidanka qaranka ay amniga si buuxda ugala wareegeen hawlgalka Midowga Afrika marka la gaaro bisha December 2024, si loo gaaro dhameystirka hawlahahan waxa ay isku raaceen waddamada kulmay wafuudooda in ay xoojiyaan isku-duwidda dedaaalkooda, sidoo kalena la shaqeeyaan dowladaha iyo hay’adaha kala ee caalamiga ee saaxiibka la ah Soomaaliya.

Waxa ay ka doodeen muhimadda ay leedahay in dhammaadka sanadka ay isugu yimaadaan shir lagu dejinayo  qorshe amni oo la xiriira sida loo joogteynayo amniga kadib sanadka 2024 .

Saaxiibada waxa ay falanqeeyeen ahmiyadda ay leedahaya hubinta xasilooni waarta iyo dowlad wanaag laga hirgaliyo deegaanadii dhowaan laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo sida ay uga go’an tahay saaxiibada caalamiga ah isku- duwidda kaalmo lagu xasilinayo deeganadaasi oo ah mid ay dowladda Soomaaliya hoggaamin doonto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay balan qaaddey in ay sameynayso lana wadaagayso saaxiibada taageera  hannaanka isku duwidda dedaalada xasilinta Soomaaliya.

Dowladaha kulmay ayaa sidoo kale balan qaaday in ay sii wadayaan taageerada  siyaasadeed ee ay siinayaan dedaalka Dowladda Soomaaliya ku bixinayso buuxinta shuruudaha  farsamo ee maamulka iyo isticmaalidda hubka , si Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaadaan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Saaxiibadda waxa ay ay taageereen in Golaha wadatashiga Qaranka kordhiyo dadaalada dib u heshiisiinta siyaasadda iyo in la kala xadeeyo mas’uuliyaadka hay’adaha dowladda si loo hubiyo xasiloonida Soomaaliya .

Saaxiibada waxa sidoo kale taageereen dedaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso xal u helista colaadda magaalada Laas Caanood, waxayna ,  dhinacyada ugu baaqeen in la joojiyo dagaalka lana gaaro heshiis xabbad joojin ah iyo in wadahadal iyo hannaan nabadeed lagu xaliyo khilaafaadka jira.

Waxa Sidoo kale isku raaceen  horumarka laga sameeyay dhinaca  dhaqaalaha Soomaaliya iyo dib u habeynta hay’adaha maaliyadda, waxayna qireen in dhabbaha lagu socdo Soomaaliya uu gaarsiin karo in laga cafiyo daymaha iyo in la helo qorshe dhaqaale oo lagu horumariyo dalka, dayn cafinta kadib.

Saaxiibada waxa ay baaq u direen beesha caalamka in kaalmo bani aadamnimo oo deg deg ah la siiyo dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena waxa ay adkeeyeen sida lagama maarmaanka ay u tahay in aan la hor istaagin gaarsiinta iyo helista gargaarka bani’aadminimada xilligan iyo taageeridda u adkeysiga isbeddelka cimilada.

Saaxiibadu waxa isku raaceen sii wadida ka wada shaqeynta hawlahan iyo ku soo biiradda Turkiga doodahan si loo joogteeyo horumarka socda.