Abdirahman Abdishakur “Waa halis Qaran lacagta bankiga dhexe lagala baxay”

Abdirahman Abdishakuur oo ka mid ah musharixiinta xilka Madaxweyne ee Soomaaliya u taagan, ayaa ka hadlay lacagta la sheegay in bankiga dhexe lagala baxay, taasi oo muran badan dhalisay.

Warsaxaafadeed uu soo saaray musharax Abdirahman Abdishakuur ayuu ku sheegay inay walaac weyn ka qabaan lacagtaasi iyo xilliga ay kusoo beegan tahay oo ah waqti kala guur.

Guddoomiyaha bandhiga dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in cadadka lacagtaasi lala baxay ay tahay 530,000 USD, Walow arrintaasi aysan ku qancin musharixiinta iyo madaxda xisbiyada siyaasada ee dalka.

Abdirahman Abdishakuur ayaa ku yiri warsaxaafadeedkiisa ” Inkastoo madaxa bankiga sheegay 530, 000 USD, haddana wada tashiyo iyo baaritaano dheeri ah oo aan sameynay waxaa inoo soo baxday in arrinkaan uu baahan yahay jawaab degdeg ah iyo in warbaahinta aan la wadaagno walaaca iyo tuhunka aan qabno arrinkaan, sidoo kalana aan ummada Soomaaliyeed la wadaagno dareenka laga qabo xilliga lacagtaasi lala baxay”. Ayuu yiri Musharax Abdirahman Abdishakur.

Musharax Madaxweyne, Abdirahman Abdishakuur
Musharax Madaxweyne, Abdirahman Abdishakuur

Waxaana uu ku tilmaamay arrintaasi halis QARAN. isagoona hadalkiisa sii wata ayuu raaciyey :

” Waa halis Qaran in Bangigii dhexe laga dhaco lacag xajimigeeda intaas la eg yahay, waliba xili kala guur. Waxaan dalbanaynaa in lagu sameeyo baaritaan madaxbanaan oo ay hormuud ka yihiin dad madaxbanaan, si ay u baaraan cadadka lacagta la lunsday, iyo sababihii dheliyay in xilligaan bankiga lacag been abuur ah la soo geliyo. Maxaa yeeelay arrinkaan waxuu khalkhal dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku abuuri karaa dalka” Ayuu yiri Musharax Madaxweyne Abdirahman Abdishakuur.

Hadalka musharan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay tuhunka iyo dooda laga muujiyey lacagta lagala baxay bankiga dhexe, waxaana musharixiinta badi qabaan in lacagahaasi loo isticmaalayo olole doorasho, oo aysan xaqiiq aheyn in shaqsi shaqaale ah la baxsaday.

Abdirahman Abdishakuur waxaa uu horey usoo noqday Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladii uu hoggaaminayey Shiikh Shariif, waxaana uu iminka u taagan yahay tartanka madaxweynenimo ee sanadkan.