Xildhibaan: Lacagta Bankiga lagala baxay way ka badan tahay $530,000, waa illaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraaya xogaha laga helaayo dhaqaalihii laga xaday Bankiga Dhexe ee Somalia, taasi oo uu shaaciyay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Dr Bashiir Ciise Cali.

Lacagaha laga xaday Bankiga ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Xildhibaanada Baarlamanaka Somalia oo iyagu sheegay inay ka walaacsan yihiin mas’uul darida ka dhex curatay madaxda ugu sareysa Bankiga.

Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi ahna Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Federaalka Somalia oo mar kale arrintaani uga waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhaqaalaha la xaday cadad ahaan uu ka badan yahay tan maamulka Bankiga ay soo bandhigeen oo tiradeeda lagu sheegay $530,000.

Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi, waxa uu sheegay in xadiga lasoo bandhigay ay ka badan tahay lacagta maqan markii ay sameeyeen baaritaano degdeg ah.

Isagoo u waramaayay Idaacada SMN ayuu sheegay in lacag dhan 4 Million iyo 500 Boqol oo kun ay ka maqantahay Qasnadda dowladda ay u soo gudbiyeen xisaab xirkii sanadkii 2013 balse dhegaha laga fureystay.

Xildhibaanka waxa uu ku tagri falka lacagtaasi ku eedeeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia, sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna carab dhabay in tani ay irdaha usii furi doonto lunsasho intaa kasii badan, waa haddii uu yiri aan ka hortag muuqda lagu sameyn dhaqaalaha yar ee iminka harsan.

Sidoo kale, waxa uu cod dheer ku sheegay in walaaciisa uu yahay mid ka badan dhaqaalaha iminka la xaday, waxa uuna cadeeyay inaan loo diyaar garoobin ka hortaga Musuq-maasuqa, waa haddii aan xoriyad dhab ah lasiin Hanti dhowrka Qaranka.

Dhinaca kale, waxa uu mar kale kadigay inay dhacdo musuq-maasuq ka awood badan kan iminka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com