Dagaal u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka dhacay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Muran ka dhashay dhul ku yaalla dhinaca galbeed ee magaalada Gaalkacyo ayaa sababay sababay in ay ku dagaallamaan Maleeshiyaad qaab qabiil u abaabulan, islamarkaanna kasoo kala jeedda maaamullada Puntland iyo Galmudug.

Waxgaradka gobalka Mudug kuwooda ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin xiisadda dhanka qabaa’ilka ah ee ku soo noqotay  degaannada gobalka Mudug.

Nabadoon Cali Diiriye Alloore oo ka mid ah waxgaradkan ayaa sheegay in dhulka la isku hayo uu yahay dhul dhanka galbeed ee magaalada ku yaalla wuxuuna ku baaqay in la qaboojiyo xaaladda degaanka.

“Meeshaas saakay dadkii odayaasha ahaa ee tagey baan kamid ahaa, waxaana la isku soo raacay in haddii ay noqoto xuduudda Galmudug loo deynayo haddii Puntland yeelatana loo deynayo, ceelasha meesha ka qodanna waxaa iska leh Galmudug” ayuu yiri Nabadoonka.

Waxa uu sheegay nabadoonka in ay Labada dhinacba kala rooneyn balse dhibaatada ay soo gaareyso dadka shacabka ah ee ku nool gobalka Mudug.

“Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo colaadda, war dhulka la isku dagaalayo xitaa ma ahan wax ka badan Labo mitir war dhibaato ha inoo keenina naga dhaafa colaadda” ayuu yiri nabadoon Cali Diiriye.

Dhulkaan la isku hayo oo ku yaalla dhanka Galbeed ee Gaalkacyo ayaa waxaa isku horfadhiya hadda maleeshiyo beeleed hubeysan oo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com