Xog: Cabdi Weli Gaas oo qorshe cusub la damacsan Cali Khaliif

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa la sheegayaa inuu wado qorsho lagu burburinaayo go’aanka Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif uu ka qaatay doorashada Somalia.

Madaxweyne Gaas, ayaa la sheegay inuu diyaarinaayo Ergo wadahadal la furta maamulka Khaatumo, gaar ahaan Madaxweynaha maamulkaasi oo dhawaan go’aan ka qaatay ka qeybqaadasha doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Gaas ayaa iminka dajiyay qorsho gaar ah oo lagu raali galinaayo Madaxweyne Galeyr, kaasi oo qeexaaya in tirro xubno ah Mr Galeyr laga siiyo labada Aqal ee Baarlamaanka cusub si uu u maareeyo shaqsiyaadka lasiin lahaa tiradaasi.

Go’aankaani cusub ee C/wali Gaas ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii odayaal kasoo jeeda deegaanada Khaatumo ay la fadhiisteen Madaxweynaha Puntland si xal dhexdhexaad ah looga gaaro khilaaf Siyaasadeedka maadaama ay odayaasha kasoo horjeedan in Khaatumo la hoosgeeyo Somaliland.

C/wali Gaas ayaa isna lagu wadaa in Mr Galeyr uu u diro Ergo ka dhaadhisa aqbalida go’aanka la xiriira in lasiiyo qoondo si uu usoo xusho dadka Khaatumo u matali lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Puntland ayaa kasoo horjeeda in deegaanada Khaatumo laga maamulo dhanka Somaliland, waana sababta ugu weyn ee C/wali Gaas ku dhalisay go’aankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com