Cosoble: Colaad ayay keeneysa tirada aqalka sare loogu daray…

Jowhar (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaan tagay magaalada Jowhar ayaa digniin kasoo saaray colaad hor leh oo ka dhalata qaabka loo qeybiyay xubnaha aqalka sare ee dalka.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee dhawaan tagay magaalada Jowhar ayaa sheegay in xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka aan loo qeybin si cadaalad ah, wuxuuna dalbaday in dib loogu laabtaa arintaasi.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in  xubnaha aqalka sare loogu roonaaday dadka qaar, halka dadka qaar lagu duudsiiyay xaqii ay lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan leeyahay dib ugu laabta sida loo qeybiyay aqalka sare, maxaa yeelay arrintaa waxay keeni kartaa colaad hor leh waxaana leeyahay hala diido aqalkaasi sababtoo ah arrintaas lama aqbali karo.” ayuu yiri xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaasheegay in xad gudub lagu sameeyay shacabka magaalada Muqdisho uu sheegay in la xaqiray, islamarkaana dad ahaan ay ka badan yihiin dad badan oo xaq fiican laga siiyay xubnaha aqalka sare ee dalka.

“In maanta la yiraahdo dadka deggan Muqdisho xaq kuma lahan aqalka sare waa xad gudub lagu sameynayo dad ka badan Labo Milyan oo qof, dastuurkana way ka hor imaanaysaa arrintaas” ayuu yiri xildhibaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimad@live.com