Mareykanka oo shuruud adag ku xiray dhiibista Fethullah Gulen

MuqdishO (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Warbaahinta Mucaaradka dalka Turkiga ayaa baahiyay in dowlada Mareykanka ay dooneyso in Turkiga ay usoo gacangaliso wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen.

Warbaahintu waxa ay qorayaan in dowladaha Mareykanka iyo Turkiga ay isla fahmi la’ yihiin shuruudo dhowr ah oo muujinkara gacangalinta Fethullah Gulen.

Waxa ay baahinayaan in Wafdiga Wasaarada arrimaha Dibadda Mareykanka ka jooga magaalada Ankara ay kasoo dabceen go’aankii ay ku diidayeen soo dhiibida Fethullah Gulen, balse arrinta leysku mari la’ yahay ay tahay shuruudo ay dowlada Mareykanka ku xirtay dowlada Turkiga.

Dowlada Mareykanka oo aaminsan xoriyatul qowlka ayaa haddana u hanqal taageysa dhiibista Fethullah Gulen, waa haddii ay dowlada Turkiga ogolaato shuruudaha lagu xiray.

Shuruudaha lagu xiray dowlada Turkiga ayaa waxaa kamid ah in Fethullah Gulen uusan la kulmi doonin wax caqabad ku ah Noloshiisa, Jirdil iyo Xukun Dil ah, waxaana jira shuruudo kale oo ku adag in dowlada Turkiga ay fuliso.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogaan ayaa diidan in soo gacangalista Fethullah Gulen lagu xiro shuruudo u muuqaal eg maslaxad Siyaasadeed.

Lama oga sida wafdiga ka socda Wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka ka jooga magaalada Ankara iyo dowlada Turkiga ugu heshiin doonaan dhiibista Fethullah Gulen, waxaana sidoo kale jira Shuruudo aan lasoo bandhigin oo ay wadato dowlada USA.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com