Soomaali maxkamadeyneysa W. Arimaha gudaha Kenya (Sabab)

Nairbo (Caasimada Online) – Madaxda Soomaalida ee qeybta ka ah dowlada Kenya ayaa ku hanjabay iney maxkamad soo taagayaan wasiirka arimaha gudaha ee dowlada Kenya, kadib markii ay  u jeediyeen eedeymo badan oo Soomaalida uu kula dhaqaaqay.

Xildhibaan Maxamed Daahir, Xildhibaan C/qaadir Aadan iyo gudoomiyaha magaalada Gaarisa Nadiif Jaamac ayaa si isku mid ah u sheegay iney maxkamad la tiigsanayaan wasiirka arimaha gudaha ee Kenya.

Masuuliyiin Soomaalida ah ayaa sheegay iney ku maxkamadeynayaan wasiirka u kala xaglinta uu ku sameeyay Soomaalida iyo dadka Kenyan-ka ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa lagu eedeeyay in kaararka aqoonsiga qaxootinimo uu siiyay dad Kenyan ah islamarkaana uu u diiday inuu kaararkaasi siiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha Dhadhaab ku jira.

Madaxweynaha Kenya Kenyatta ayaa dhawaan soo saaray in dadka Kenyanka ee xeryahaasi ku jira iska baxan ama ay qaataan kaararka muwaadinimo ee cadeynaya iney qaxooti yihiin.

Arintaasi ayaa waxaa si adag uga carooday Madaxda Somalida dalka Kenya, waxaana Guddoomiyaha Magaalada Mandhera, Nadiif Jaamac uu sheegay inaysan u dulqaadaneyn arintaasi.

Wuxuu ku hanjabay in sharciga ay la tiigsanayaan Wasiirka Amniga dalka Kenya, si arintaan isla xisaabtan dhab ah loogu sameeyo, maadaama Wasiirka uu doonaayo dadka Somalida ah in laga eryo Dhadhaab, taa bedelkeedana ay ku noolaadaan dadka Kenyan-ka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com