Xog: Doorashada Somalia oo arrin cusub ay hareysay iyo beesha…

Muqdisho (Caasimada Online)  Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo xubnaha qeybta ka ah madasha wadatashiga ayaa laga baqayaa iney  qaataan go’aan ka duwan midkii hore ee ku aadan tirada ergada soo xuleysa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in la isku hayo dhaqaalaha ku baxaya xareynta ergooyinka soo xulaya xubnaha barlamaanka Soomaaliya ee sanadkaan, waxaana beesha caalamka ay u muuqataa mid ka caga jeedeysa iney bixiso dhaqaalaha ugu badan ee doorashada ku baxaya.

Kulamo kala duwan oo u dhaxeeya madaxda dowlada Soomaaliya iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa diirada lagu saaray dhaqaalaha ku baxaya in la xareeyo inka badan 14 kun oo ergo kuwaasi oo soo dooranaya xildhibaanada baarlamaanka.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in laga yaabo madaxda madasha wadatashiga iney qaataan go’aan lagu yareynaya ergooyinka xildhibaanada keenaya, maadaama ay aad u badan yihiin.

Waxyaabaha kale ee murunka keenay ayaa waxaa kamid ah in la cadeeyo qaabka loo maamulayo dhaqaalaha ku baxaya doorashada sanadkaan, waxaana beesha caalamka ay dalbatay in cadeyn buuxda lala yimaado taasi oo ku aadan dhaqaalaha doorashada ku baxaya.

Arinta kale ee la isku hayo ayaa ah cidda bixineysa dhaqaalaha ku baxaya xareynta 14025 oo ergo kuwaasi oo soo xulayaa baarlamaanka cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com